Halkee ayay maraysaa Baarista Kiiska Qalbi Dhagax?

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Gudigii dhawaan Baarlamaanka Federaalka Somaaliya u xilsaarey baarista Kiiskii Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax" ayaa fahfaahin ka bixiyayy halka ay u marayso howsha loo igmaday. 

Xildhibaan Ludhfi Maxamed Shariif, oo kamid ah Xubnaha Gudiga ayaa sheegay in hada ay magacaabeen Guddoomieye, Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye, si howshooda ay u dardar geliyan.

Xildhibaanka wuxuu tilmaamay in Baaritaankooda uu bilaaban doono wixii maanta ka dambeeya, islamarkaana ay la kulmi doonaan cid kasta oo ku lug leh dhiibistii Qalbi Dhagax loo dhiibay dowladda Ethiopia 6-dii bishan September. 

"Gudigeena wuxuu sameyn doonaa Baarist xoog leh, waxaana la kulmi doonaan dhamaan dadkii kaalinta ku lahaa wareejinta Qalbi Dhagax, hadii ay ahaan laheen Wasiiro ama Saraakiil Ciidan, dhamaantooda waan la xiriiri doonaa, si aan u helno xog dhameystiran, oo Baarlamanka loo gudbiyo," ayuu yiri Xildhibaan Ludhfi.

Waxa kaloo uu sheegay Ludhfi in Gudiga uu wado howlo culus, oo ku saansan inay ogaadaan sababta ay Xukuumadda ugu gacan gelisay Qalbi Dhagax dowlaadda Ethiopia iyo sharciga loo cuskaday dhiibistiisa.

Xukuumadda Federaalka Somaaliya ayaa horaantii bishan waxay soo saartey war qoraal ah, kadib shir ay Gollaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho 6-dii bishan, kaasi oo lagu shaaciyay in Qalbi Dhagax uu ahaa Argagaxiye katirsan ONLF, xiriirna la leh Al shabaab.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM