Soomaaliya: Aqalka sare oo Baaq culus kasoo saarey Colaada Tukaraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay yeesheen maanta Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay kasoo saareen baaq nabadeed oo ku aadan dagaalka Tukaraq.

Kulanka marka uu soo dhamaaday ayaa waxaa si kooban warbaahinta ula hadlay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo sheegay in Aqalka Sare uu ugu baaqayo Puntland iyo Somaliland inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dagaal aysan ku jirin mas-laxadda Shacbiga iyo Qaranka Soomaaliyeed, sidaas darteeda, wuxuu carabka ku dhuftay inay mar walba ugu baaqayaan labada dhinac inay soo xal ay ka gaaraan colaada.

“[Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya] waxay ugu baaqayaan Puntland iyo Somaliland nabad. Dagaalku ma noqon karo midka dalka u horseedia baraaro iyo horumar, sidaas darteeda waa in dagaalka la joojiyo,” ayuu yiri Mudane Xaashi.

“Waxaan ku baaqaynaa Nabad, Nabad, Nabad,” ayuu ku nuux-nuux saday Afayeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliyeed Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Baaqa xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maanta Golaha Wasiirada ee Puntland war ay soo saareen ku sheegay inay udiyaar-garoobayaan dagaal ka dhan Somaliland, kaasoo waqti badan soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM