Soomaaliya: Aqalka Sare oo ka shiraya Colaada Tukaraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulan ay uga doodi doonaan colaada dib uga soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Kulanka oo ajandihiisu yahay "Ka-hadalka Colaadda Tukaraq" ayaa la filayaa in laga soo saaro baaq nabadeed oo lagu dalbanayo in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, kaasi oo kusoo beegmay xilliga bisha barakeysan ee Ramadan-ka.

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale baaq kasoo saarey xaaladda Tukaraq, iyadoo gudoomiyaha cusub ee Gollaha Maxamed Mursal uu ku baaqay in si shuruud la'aan ah lagu joojiyo dagaalka. [Halkan ka akhri Warka].

Madaxweyne Farmaajo, Mareykanka, QM iyo dalal kale oo kamid ah kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa Puntland iyo Somaliland ku booriyay inay qaab wadahadal ah ku dhameeyaan gacan-ka-hadalka.

Baaqyada ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad iyo saan-saan colaadeed ay ka taagan tahay wali Tukaraq, oo ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada labada maamul, oo lagu soo waramayo inay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.

Dadka deegaanka ayaa waxay kusoo waramayaa inay soconayaa dhaqdhaqaaqyo ay wadaan labada dhinac iyo abaabul dagaal, taasoo abuureysa baqdin ku aadan inuu qarxo dagaal, kaasoo sababi karay barakac xoogan.

Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay gobolka Sool tan iyo 2002, iyadoo midba midka kale uu doonayo inuu ku gacan sareeyo maamulka gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM