Soomaaliya: CC Shakuur oo markale Maxkamad lasoo taagay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa saaka oo Khamiis waxaa markale lasoo taagey maxkamadda gobolka Banaadir, isagoo wajahaya eedaymo ay kamid tahay qiyaano qaran.

Isagoo ay gacantiisa midig ku duuban tahay faashad, islamarkaana labadiisa dhinac ay fadhiyaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayuu CC Shakuur kasoo muuqday Maxkamadda.

Waxay Maxkamadda maanta dhageysanaysaa eedaymaha uu Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka kusoo oogay Siyaasiyan, oo 18-ka bishan ay soo xireen ciidamada NISA iyagoo amar ka haysta Xukuumadda.

Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa xalay Cabdiraxmaan kusoo daayay damaanad, kadib markii ay wadahadal la sameeyeen Hay'adda fulinta.

Wasiirka amniga Dowlada Federaalka oo xalay ka hadlay kulan Cabdiraxman Cabdishakuur siyaasiyiin odey dhaqameed lagu wareejinayey ayaa video laga soo qabtey sheegey iney khalad galeen islamarakaana ka codsanayaan odayasha in la cafiyo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu diiday in kiiskiisa xeer-jajab lagu dhameeyo, isagoo ku adkaystay inuu tago Maxkamadda oo uu sheegay inay ku kala baxayaan Xeer ilaaliyaha qaranka.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa looga fadhiyaa inuu horkeeno Maxkamadda cadeymo buuxa, hadii kalena isaga uu kiiska ku noqon doono mid khatar geliya xilkiisa oo dembi lagu soo oogayo.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo soo noqday wasiirka qorsheynta xilligii dowladdii Sheekh Shariif, sidoo kalena kamid ahaa Musharaxiintii la tartamay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Feb 8 ayaa lagu soo eedeeyay inuu dhaqaale kasoo qaatey dowlado shisheeye oo lagu ridayo Farmaajo iyo Khayre.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM