Soomaaliya: Duqii Beledweyne oo shaqada laga joojiyay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka HirShabeellaha, Maxamed Cali Caadle ayaa shaqada ka joojiyay Duqii magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa xilka looga qaaday Cali Dhuuxa, waxaana lagu bedelay oo xilka si KMG ah usoo heyn doono Cabdi Xuseen Cismaan [Janjeex].

Sababta ka dambaysa Shaqa ka joojinta duqa Beledweyne ayaa lagu sheegay baahi loo qabo in isbedel lagu sameeyo maamulka dowladda hoose ee magaaladaas caasimadda u ah gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, waxaa is casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka HirShabelle Garaad Axmed Cadow, oo sababtu uu shaqada uga tagay ku sheegay inay wada shaqeyn waayeen Wasiirka Cadaaladda.

Mas'uulkan oo la hadlay Warbaahint ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka ay isku qabteen arrimo shaqo, oo uusan shaacin waxay yihiin, waxaana uu dhanka kale ku eedeeyay wasiirka Cadaaladda inuu yahay qof aan aqoon u laheyn shaqado loo dhiibay.

HirShabeellaha oo kamid ah maamulladii ugu dambeeyay ee la aas-aasay dhamaadkii 2016-kii ayaa waxaa hareeyay Khilaafaad siyaasadeed, kaasi oo sababay in Baarlamaanka maamulkaasi uu 2017 xilkii ka qaado Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM