Soomaaliya iyo Qadar oo ku heshiiyey adeegsiga dayax-gacmeedka

Image

DOOXA, Qadar – Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa magaaladda Dooxa kula kulmay dhigiisa Qadar Jassim bin Saif Al Sulaiti.

Kulamadaasi ayaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta.

Labada dhinac kulamadooda oo "ku soo dhammaadey is-afgarad" ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.

Dhinaca kale, waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

"Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Wuxuu raaciyay: "Lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah".

Wafdiga oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka, Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddadii ay joogeen Qadar waxa ay ka qeybgaleen bandhigyo, shirar iyo fadhiyo danayn gaar ah u leh dalalka soo koroya.

Sidoo kale, Wasiir Cabdi Cashuur ayaa kulamo sharafeed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar, Sheekh Cabdullaahi bin Nasser bin Khalifa Al Thani iyo Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Tan iyo markii la doortay bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, dowladda Farmaajo ayaa xiriir dhow la lahayd Turkiga iyo Qadar, oo mashaariicyo ka wada qaybo kamid ah waddanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM