Soomaaliya: Kumaandoos la wareegay degaan ku dhaw Kismaayo

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidamada Kumaandooska Mareykanka uu tababarey ee dowladda Federaalka Soomaaliya [Danab] ayaa la wareegay maanta gacan ku haynta deegaan ku dhaw magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 43-aad Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa xaqiijiyay in ciidanka Danab oo garab ka helaya kuwa kale ay Al-shabaab ka saareen degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgal gaar ah oo ay ka qeybqaateen ciidamada Militariga Mareykanka iyo kuwa Jubbaland ayaa Al-shabaab loogala wareegay degaanka oo qiyaastii 50KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Jeneral Saxardiid ayaa tilmaamay in Diyaarado Helicopters ah oo ay wateen Ciidamada Mareynkanka ay ka gacan siiyeen howlgalka, kaasi oo sidoo kale lagu dlay 7 kamid ahaa Al Shabaab.

Ugu dambeyntii Saxardiid ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen laba gadiidka nuuca dagaalka ah oo ay lahaayeen Xoogaga Al-Shabaab.

Al-Shabaab kama aysan hadlin warka kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan la wareegista Baar-Sanguuni.

Degaanada ku hareeraysan Kismaayo waxaa gacanta ay ku jiraan Al Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda Kenya tan iyo markii la qabsadeen 2012-kii ay awoodi waayeen inay ka sifeeyaan Kooxdan dhamaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Galdogob oo Sanado Kaddib Kulmisay Madaxda Puntland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda kula fadhiistay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 12:29PM

Sheekh Shariif oo si kulul uga digay Dhaqanka “Mas’uuliyad-darrada” ee Dowladda Federaalka

Mudane Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-xaajood iyo ixtiraam.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 09:42AM