Soomaaliya oo lumisay fursad ay ugu soo bixi kartay Koobka Aduunka

Image
Image
Image

HARARE, Zimbabwe – Xulkii Soomaaliya ee taariikhda sameeyay ayaa is-reereebka koobka aduunka Qadar 2022-ka waxaa kasoo reebay dhigooda Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa lugta koowaad kusoo adkaatay 1-0, taasi oo ka dhigtay guushoodii ugu horeysay oo ay ka helaan isreereebka tartanka kubadda cagta caalamka.

Guuleysteyaasha, oo xul adag lasoo shir-tegay lugta labaad, ayaa waxay kusoo baxeen natiijo dhan 3-1, kadib laba gool oo xili dambe yimid, taasi oo labin lama filaan ah siisey.

Goolka guusha waxaa qaranka martida loo ahaa u dhaliyey ciyaaryahanka Khama Billiat. Tani waxay la macno tahay in labada lugood ay kusoo idlaadeen 3-2.

Cumar Maxamed oo wata lamberka 10aad, waa dhaliyaha goolka qura ee ay Soomaaliya heshay lugta labaad ee kulan ciyaareedkan heerka caalami ah.

Goolasha kale ayaa waxay Zimbabwe uga mahad-celineysaa ciyaartoyda kala ah; Marshal Munetsi iyo Mutizwa, kaasoo laad-xor ah shabaqa ku hubsadey.

Xidigaha Soomaaliya ayaa qeybta koowaad soo bandhigay qaab-difaaceed heer sarre ah, balse bogga labaad waxay muuqdeen kuwa hoos u dhac sameeyay.

Sikastaba ha ahaatee, guuldaran ayaa Soomaaliya uga dhigan fursad muhiim ah oo ay lumiyaan taasi oo ay ugu soo bixi kareen dhacdada ugu weyn kubada cagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM