DF oo shatiga kala laabatay shirkado diyaaradeed oo laga leeyahay Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu waramay in ay shatiyadda kala laabatay laba shirkado diyaaradeed oo laga leeyahay waddanka Kenya.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in shirkadaha loo haysto khaad ay ka dhigeen "gargaar" oo ay soo geliyeen dalka, "taas oo ka dhigan in ay ku xadgudbeen shuruuda xakameynta Coronavirus".

Shirkadaha ruqsada lagala noqdey oo la fahansan yahay in lagu wargeliyey talaabadaas ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay; Buff Air Services iyo Silverstones Air Services

Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa si hoose ugu sheegay Garowe Online in mid kamid ah shirkadaha loo haysto khaad ay 26-kii May 2020 ka dejisay garoonka diyaaradaha Buuhoodle.

Sidoo kale, shirkadda kale waxaa lagu helay in ay maandooriyahaas la mamnuucay inta lagu guda jiro ololaha lagula dagaalamayo Covid-19 ay geysay Jowhar, 31-ka bishii hore ee May, 2020.

Marka laga soo tago eedeynta iyo talaabada xukuumadda Muqdisho, ma jiro wax war ah oo shirkadaha ay kasoo saareen talaabaddan oo imaaneysa xilli baaris uu ku socdo shil diyaaradeed.

Diyaaradaas oo laga leeyahay isla Kenya ayaa bishii hore lagu soo riday magaaladda Berdaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ee aan kamid ahayn AMISOM waxay qirteen in ay toogteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM