Soomaaliya: Qaraxyo ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Banaadir ayaa fahfaahin ka siiyay shacabka Muqdisho sababihii ay Ciidamada dowaldda u xireen maalmihii lasoo dhaafay wadooyinka Caasimadda, gaar ahaan kuwa isku xira waqooyiga iyo Koonfurta.

Eng Cabdiraxmaan Yariisow, Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababihii laamaha amniga u xireen wadooyinka iyo Isgoysyada magaalada ay aheyd sugida ammniga iyo ka hortegida qaraxyo ka dhaca Muqdisho.

Duqa Muqisho ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu ka raali-gelinayo shacabka wadooyinka la xiray, oo saameyn ku yeeshay isku socodkooda, isagoo dhanka kale ka sheegay in Wasaaradda amniga uu maamulkaasi kala hadlay furitaanka jidadka la xiray.

Gudoomiye Yariisow waxa uu ka dalbaday shacabka inay la shaqeeyaan Hay'adaha amaanka dalka, si looga hortago weerarada argagaxiso ee Kooxda Al Shabaab la maagan-tahay inay ku dhibaatayso dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Eng Yariisow ma uusan sheegin qaraxyada la fashiliyay tiradooda iyo nooca ay ahaayeen, laakiin wuxuu carabka ku dhuftay inay jiraan weeraro laga hortagay maalmihii ay xirnaayeen wadooyinka.

Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa ahayd mid ay ka jirto cabsi dhanka amaanka tan iyo markii la magaacabay Taliye-yaasha Nabad Sugida iyo Booliska bishii lasoo dhaafay, kuwaasi oo magacaabistooda kahor mudo 4 bilood ah aan wax qarax ah ka dhicin magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM