Soomaaliya: Xoogaga Al Shabaab oo weeraray Afgooye

Image

AFGOYE, Soomaaliya - Dagaalyanada Al shabaab ayaa caawa weerar culus markale ku qaadey degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose, oo qiyaasii 30KM waqooyi galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xoogaga Al shabaab ay u suurta gashay inay mudo kooban gacanta ku dhigaan qeybo kamid ah Afgooye, kadib markii ay soo jiireen fariisamaha difaaca ee ay ciidankan ay ku leeyihiin duleedka degmada.

Al Shabaab ayaa kahor inta aysan gudaha usoo galin, dagaal qaraar la galay ciidamada dowladda Federaalka, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, sida qaar katirsan dadka deegaan u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Weerar bambaanooyin ah ayay Al shabaab ku weerartay saldhigyo ciidamada ku leeyihiin Agagaarka Buundo-yar ee degmada Afgooye, iyadoo halkaasi oo ka dhacay iska-hor-imaadka xoogiisa.

Taliska Booliska Afgooye ayaa sheegay rag ka tirsan Al Shabaab in ay weerar soo qaadeen degmada caawa, balse Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.

Lama oga illaa hadda khasaaraha rasmiha ah ee ka dhashay weerarka iyo dagaalkii daba socday, maadaama waqtiga uu habeen yahay, aadna u adag tahay inay Wariyaasha goobta tagaan.

Weerarka Afgooye ayaa kusoo beegmaya, xillii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu dhawaan booqday xero ciidan oo duleedka Muqdisho ku taalla halkaasi uu kula hadlay Boqolaal askari oo la sheegay in loo diyaariyay duulaan ka dhan ah Al shabaab. Halka ka akhri.

Al shabaab ayaa dib uu qabsatay dhawaan deegaano dhowr ah oo ku dhaw Caasimadda, kuwaasi oo uu kamid yahay Bariire, oo 60Km u jira Muqdisho, kadib markii ay ciidamada dowladda soo faarujiyeen.

Warbixin ay 20-la bishan soo saartay Hay'adda xasaradaha adduunka (ICG), ayaa lagu sheegay in dib u soo xoogeysiga iyo soo noqoshada Al shabaab deegaanadii horey looga saaray ayay sabab u tahay mushaar la'aanta Ciidamada xoogga dalka, oo hadda mudo 3 bilood ka badan aan la siinin xuquuqdoodii. Halkan ka akhri.

ICG ayaa xustay in aysan Suurta-gal ahayn in la sugo amniga Muqdisho, iyadoo Al shabaab ay haysato deegaanada ku dhaw, islamarkaana aan dhisanayn niyadda Askari dagaalka kula jira, oo u mushaar la'aan yahay mudo badan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM