Soomaaliya: Xukuumadda oo Dacwad kusoo oogtay Xildhibaano mucaarad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtey Xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka dalbadey aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka in xasaanada laga qaado Xildhibaano uu ku eedeeyey Dowlad Dumis.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in baaris lagu sameynayo Xildhibaanada kala ah Xasan Maclin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye, oo uu sheegay inay galeen fal-dembiyeed maxkamad lagu horgeynayo.

Labada Xildhibaan ayuu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha qaran Dumis iyo inay dhaqaale kasoo qaateen dalal shisheeye, oo uusan carabaabin si ay u dumiyaan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu xusay in Hay'adaha amniga ay baaritaan ku samayn doonaan Xildhibaanadan marka xasaanada laga aqaado, kadibna cadaalada la horgeyn doono hadii ay ku cadaato eedaymaha dowlad-dumiska ah.

"Waxaan hay'adaha baarista dowladda ku wargelinayaa inay qabsadaan howlahooda ku aadan hergelinta sareynta sharciga, oo baari ku sameeyeen Xildhibaanada," ayuu yiri Axmed Cali Daahir oo warbaahinta la hadlayay.

Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in warqad ay u gudbiyeen Gudoonka Gollaha Shacabka ay ku xuseen dhamaan dembiyada lagu soo oogay labada Xildhibaan, oo kusoo kooban dowlad-dumis.

Go'aanka Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa u muuqda mid lagu cabsi gelinayo Xildhibaano mucaarad ku ah Xukuumadda oo ku balamay inay mooshin ka gudbiyaan Farmaajo iyo Khayre marka uu furmi kalfadhiga 3aad ee Gollaha Shacabka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM