Taliyeyaal lagu dilay ismiidaamin gudaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii ciidamadda booliska degmadda Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane oo loo garan ogaa Calooley, ayaa lagu waramay in fiidnimadii Axada, 9-ka May, lagu khaarijiyey qarax ismiidaamin ahaa.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay qaybo kamid ah caasimada ayaa ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi oo ku yaala wadada Maka Al Mukarama ee magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale, Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey, ku-xigeenka Taliayaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir, ayaa ku jira dadka ku geeriyoodey weerarkan. Sida ay muujinayaan warbixinadda, marxuumka ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaarey qaraxa.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah oo magacyadooda uga gaabsaday in aan loo ogoleyn la hadalka saxaafadda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ismiidaamiyaha uu galay gudaha saldhiga.

Mas'uuliyiinta amniga ee uu GO la hadlay ayaa ka cabsi qaba in waxyeeladda ay kasii badan karto inta haatan la ogyahay maadaama "naftii haligaha uu dhex-galay saraakiil iyo askar badan oo goobta joogtey".

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaadey goobta oo uu arkay warsidaha Garowe Online lana baahin karin sababo la xiriira iyaddoo la ilaalinayo dareenka dadweyaha ayaa muujinaya meydad badan yaala wadada.

Kumuu ahaa marxuum Calooley?

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Hasa ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Shabaab.

Marxuum Calooley ayaa xilka taliyaha booliska degmadda Waaberi waxaa loo magacaabay dhowaan, isaga oo bedelay Mooshin oo kamid ah dadka loo haysto dilka guddoomiyihii degmada Hodan, marxuum C/xakiim Dhagajuun.

Kahor xilka taliyaha booliska degmadda Waaberi, marxuum Calooley oo hore uga soo howlgalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wuxuu soo noqdey taliyaha booliska degmooyinka Shibis iyo Cabdicasiis.

Magaciisa wuxuu si weyn u caan-baxay ka gedaal markii uu si furan uga hadlay dhaqan-xumo la sheegay in ay habeenkii ka jirto huteeladda ku yaala xeebta Liido, isagoo ku goodiyey in ay "ciqaabayaan dhalinta" lagu qabto.

Dowladda Soomaaliya iyo culimadda ku dhaqan magaalada caasimadda ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay in ku guuldareysteen ay wax ka qabtaan dhaqan-xumaddaas oo bulshadda qaarkeed ay xustey in ay ka dhalan karto "carro ALLE".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM