Taliye sarre kana tirsanaa Ahlu Sunna oo "isu dhiibay" Dowladda Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Taliyihii Ahlu Sunna ee magaaladda Guriceel iyo askar taabacsan ayaa "isu dhiibay" dowladda Soomaaliya, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Talaabada uu qaadey Cabdullaahi Daahir Rooble ayaa timid ka gedaal markii wada hadalo uu la yeeshay saraakiil iyo mas'uuliyiin ka socotay Laanta Fulinta ee dalka.

Rooble ayaa lagu waramayaa isaga oo ay wehliyaan "askar badan iyo laba gaadiid dagaal" ay Dhuusamareeb galeen habeenimadii Jimcada, Sabtida soo galeysay, "kadib maalmo ay duurka ku jireen".

Xubno ka socda dowladda federaalka oo waanwaanta qayb ka ahaa ayaa kusoo dhaweeyay magaala madaxda Galmudug, oo qayb ka ah federaalka Soomaaliya.

Hogaanka ururka Ahlu Sunna oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo xukuumadda Muqdisho ayaa, illaa iyo haatan, aanan wali ka falcelin dhacdadaan.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu muhiim u ahaa Ahlu Sunna kana qeyb qaatay howlgalada xorreynta gobolada dhexe ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab, xoogag gacan saarka la leh Al-Qaacidda.

Mr Rooble iyo ciidamadiisa ayaa isaga baxay Guriceel markii ay todobaadkii hore "ay xoog kula wareegeen" ciidamo federaalka ka socdo, kuwaas oo Wasiirka Arrimaha Gudaha galbinaayey.

Saacado kadib markii ay dowladdu qabsatay Guriceel waxay u magacowday taliye saldhiga booliska, taas oo fasiraad kala duwan laga bixiyey, wallow Ahlu Sunna ay ka gaabsatay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii taliyihii Ahlu Sunna ee magaaladda Matabaan, oo dowladdu iska hor-imaad kula wareegtay, uu isana isu dhiibay xukuumadda.

Hogaanka Ahlu Sunna iyo Villa Soomaaliya ayaa isku haya magacaabidda Guddiga Doorashooyinka Galmudug. Xukuumadda waxay damacsan tahay in ay coddeynta ka hesho natiijo ka qoslisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM