Taliyihii Ciidanka Taraafikada Soomaaliya oo geeriyooday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii ciidamada Booliska Wadooyinka Soomaaliya, Cali Maxamed Cali (Cali Shariif), sida uu xaqiijiyay Talihii hore ee Ciidamada Cali Gaab.

Cali Gaab ayaa sheegay in Cali Shariif uu mudo xanuunsanayay, iyadoo loo qaadey dalka India oo lagu soo daweeyay, kadibna dhawaan dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, oo xalay uu ku dhintay.

Saddex bilood kahor ayaa soo wajahay xanuun aan la sheegin waxa uu yahay, kaasi oo ugu dambeyntii u geeriyooday. Allah ha u naxariistee Cali Shariif ayaa dhawaan xilka laga wareejiyay markii ay xaaladiisa caafimaad sii adkaatey.

Meydka Cali Shariif ayaa saaka lagu aasay qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay Saraakiil sare oo ciidamada Taraafikada iyo Booliska isagu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM