Turkiga oo ka hadlay ismiidaaminitii Al-Shabaab ka fulisay Muqdisho

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si kulul u cambaareyneyso "weerarkii argagaxiso" ee Al-Shabaab ay Sabtidii ku ekeysay saldhiga guutada 14-ka April ee ciidamada Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay tacsi u direyso ehelada askartii ku geeriyootay ismiidaamintaas loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Sideed askari ayaa ku dhimatay, halka 15 kale ay ku dhaawacmeen. Dhimashadda iyo dhaawacyadda waxaa kamid ah dad shacab ah.

"Waxaan helnay akhbaar naxdin leh oo sideed qof lagu waayey, tirro kelana ay ku dhaawacmeen taasoo ah natiijo ka dhalatay weerar is-miidaamin oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa kadib markii madaafiic lagu ekeeyay saldhiga guutada 12-ka April ee Muqdisho," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Warka qoraalka ah ayaa la raaciyey: "Waxaan aad u cambaareynaynaa falkaas wuxushnimada ah ee argagixisada fulisay. Waxaan uga tacsiyeynaynaa walaalaheena Soomaaliya iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, annagaa naxariista ABBE u rajeynayna kuwa nafsadooda ku waayey, halka bukaanadda u rajeynayno soo kabasho deg-deg ah, idimka ALLE".

Taliska ciidamadda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin waxyeeladda guud ahaan ee ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa cusleyd.

Ankara oo saaxiib dhow la lah dowladda hataan ka jirta Soomaaliya ee madaxweyaha uu ka yahay Farmaajo ayaa siisa malaayiin Doolar bil walba, lacagtaas oo lagu sheegay mid lagu kabayo miisaaniyadda.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dib u soo cusbooneysiisay bartilmaameedsiga fariisimaha ciidamadda Soomaaliya, iyaddoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay beegsatay saddex xero ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM