Waa Kuma Taliyaha Cusub ee Ciidmada Nabad Sugida Soomaaliya?

Image

MUQDISHO- Kadib markii golaha Wasiirada Dowlada Fedraalka Soomaaliya ku dhawaaqeen magacyada taliye-yaasha ciidmada Nabad Sugida, Booliiska iyo Aslubta ayaa warsidaha GO waxaa isku dayey inuu wax ka ogaado taariikhda hogaanka cusub ee NISA madaama shaqada hay’adan muhiim u tahay amniga magalaada Muqdisho.

Taliyaha cusub ayaa sida aan ogaaney waxaa uu kasoo jeeda beesha Geledi ee Digil isaga oo uu dhaley Suldanka beeshaas waxaana uuna ku barbaarey degmada Afgooye.

Xuseen Cismaan Xuseen oo loo yaqaan ‘Xuseen uur-kuus’ ayaa xilal kasoo qabtey dowladii AHN Cabdulahi Yusuf Madaxweynaha  ka ahaa isagoo xukuumada Madaxweyne Farmaajo ka hayey shaqada wasiir ku xigeenka caafimaadka. Madaxa cusub ee NISA ayaa ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Uurkuus oo haysta dhalashada wadanka Canada ayaa waxaa saaxada siyaasada soo galiyey Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed isagoo heer Jamaacadeed ka gaarey Waxbarshada.

Jaamacadaha uu soo dhigtey ayaa ku kala yaala dalalka Kenya, Romania iyo Canada.

Hogaanka cusub ee Nabad Sugida Soomaliya oo ah taliyihii Sadexad ee xilkaan loo magacaabo tan iyo intii Madaxweyne Farmaajo la doortey ayaa noqonaya qofka ugu khibradda yar marka laga eego dhinaca  amni sugida dalka ee ka qabta hay’adda NISA.

”Waxaan aad ula yaabey marka aan eego aqoonta aan u leeyahay Cismaan Xuseen in xilkaan lala doonto balse waxay iila muuqata in magacaabsitiisu ku lug leedahay nooca qofka loo raadinayey inuu madax ka noqdo hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya taasoo muddo qaadatey in la helo.” Sidaas waxaa GO u sheegey qof aad uga warhaya siyaasada Dowlada Fedraalka ah.

Hay’adda Nabad Sugida ee Soomaaliya oo wayadaan dambe laga cabanayey hab dhaqankeeda ku aadan howlgalo ay ka fulisay magalaada Muqdisho ayaa taliyaha cusub waxaa kaga horeeya Xafiiska NISA saraakiil awood badan kuwasoo ay kamid yihiin Saadiq John iyo Zakariye.

Zakariye Ismaaciil oo lagu tilmaamo taliyaha qarsoon ee hay’addaan ayaa kamid ahaa saraakiisha ururka Al Shabaab ee Dowlada isu soo dhiibey waqtigii uu Madaxweynaha Soomaaliya ahaa Xasan Shiikh hadana toos ugu xiran agaaismaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Saadiq John oo isuguna taliayaha hay’adda ee gobolka Banaadir awood badan haysta ayaa fuliyey howlgalo muran siyaasadeed dhaliyey.

Talaabooyinka Saadiq John ayaa waxaa welwel ka muujiyey Qaramada Midoobey iyo wadamada dhaqaalaha siiya hay’adaan.

Dhinaca kale taliyaha cusub Xuaeen Cisman ayaa la filayaa inuu dhumiyo xilalka wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya iyo xubinimada Barlamanka Federaalka.

Taliyihii hore ee hay’adaan ‘Sanbaloshe’ ayaa xilkaan markii loo magacaabey 7 bilood ka hor waxaa uu dhumiyey xubinimadii Barlamanka Federaalka ah iyadoo markii laga qaadey shaqada taliyaha mar kale u tartamey kurisgaan balse lagaga guuleystey.

Sanbalooshe ayaa markii lagaga adkaadey doorashadii kursiga xildhibaanka ku eedeeyey Villa Soomaaliya isagoo sheegey in lacag badan lagu bixiyey guuldaradiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM