Kadib xarigii Cabdiraxman Jidadka Muqdisho oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii xalay ay xabsiga dhigeen Siyaasiga Cabdiraxmana Cabdishakuur.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah KM4, Zoobe, Makka Al-Mukarama iyo mida aada dhanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana loo diidayaa inay isticmaalaan Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka.

Ciidamada NISA oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la dhigay Isgoysyada, iyagoo si gaar ah uu ilaalinaya wadad kasoo baxda Garoonak Diyaaradaha ee tagta xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambaysa in wadooyinkan la xiro, balse waxaa jira warar sheegaya in dowladda ay sameynayso feejignaan in weerar uga yimaado beesha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku awood badan magaalada.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo horey usoo noqday Wasiirka qorsheynta dowladdii Sheekh Shariif, sidoo kalena kamid ahaa musharaxiintii tarantanka la galay Madaxweyne Farmaajo doorashadii Febuary 8.

Waxaa lagu qabtay howlgal oo ciidamada NISA ku qaadeen Guri uu ka degan yahay Muqdisho, kuna yaalla nawaaxiga Hotel Jazeera. Askar kamid ahaa Ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lagu dilay weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay. Halkan ka akhri.

Siyaasigan ayaa looga bartay inuu aad u dhaliilo hanaanka shaqo ee Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre, isagoo qoraal uu shalay soo dhigay Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in dowladda ay duulaan ku tahay Federaalka iyo Dumuqraadiyadda.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay hadlkiisa Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Calii Daahir ee uu labo Xildhibaan ugu eedeeyay inay sameeyeen qiyaannoo qaran, kana dalbaday Baarlamaanka in xasaanada laga qaado, si maxkamad loo soo taago. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM