War-murtiyeed laga soo saarey shirka maamulada ee Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Shirkii madaxda maamulada Soomaaliya oo lasoo gabagabeeyay wejigiisa koowaad ayaa laga soo saarey war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii ay hogaamiyeyaasha ku heshiiyeen.

Wasiiradda arrimaha gudaha maamuladda oo uu wehliyo Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen xarunt Galmudug ku shaaciyey go'aanada.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya aysan noqon karin isla markaana loo baahan yahay in laga heshiiyo nooca iyo habka loo marayo.

Warka qoraalka ah oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in doorashadda ay waqtigeeda ku dhacdo ayaa ka digay muddo kororsi loo sameeyo hay'addaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka ah.

Hogaanka dowlada federaalka iyo madaxweyneyaasha maamulada ayay soo jeediyeen in ay shir wadatashi isugu yimaadaan Dhuusamareeb "si ay uga arrin-sadaan tubta farsamo qabsoomida doorashada 2020-21".

Balse, lama soo bandhigin waqtiga uu dhici doono shirkaas, taas oo la macno ah in ay tahay arrin ay kawada heshiin doonan dhamaan dhinacyadda ay khuseyso, waase hadii dhanka dowladda dhexe kasoo jawaabto.

Ugu dambeyntii, shirka ayaa uga mahadceliyey Beesha Caalamka kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya oo heerar kala duwan soo martay, haddana mar-xalad adag wajaheysa.

Shirka jaraa'id ee shaacinta war-murtiyeedka

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM