Wasiir ku xigeen isku day dil kaga badbaaday magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Cabdinaasir Saciid Muuse [Bahaay], ayaa lagu waramay in uu ka badbaaday qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Weerarka oo loo adeegsaday miino lagu soo qariyey bac ayaa waxaa laga soo wariyey nawaaxiga maqaayada Creams. Saddex qof oo shacab ahaa ayaana ku dhaawacmay falkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in hal askari oo kamid ahaa ilaalada wasiir ku xigeenka uu ku geeriyooday falkaas aysan jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadiisa.

Mr Bahaay oo aan wali ka hadlin qaraxa la doonayey in nolosha lagu dhaafiyo ayaa waxaa la xaqiijiyey in waqtiga uu weerarku dhacayey uusan la socon gaariga.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa looga bartay dhacdooyinka noocaan ah, waxaana ay ku beegsadaan mas'uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka kale ee ka dhow madaxda dalka.

Illo dhanka amniga ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in miinada la dhigay guri uu dhisme ku socday oo ku yaala isgoyska Taleex ee ku dhow aargada mashquulka badan ee KM4.

Qaraxyadda ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey Muqdisho. Asbuucii hore, weerar is-miidaamin waxaa ka badbaaday taliyaha ciidamada milatariga, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Sidda lagu sheegay warbixin dhanka ammaanka ah, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee sanadkan 2020 fuliyey 281 weeraro ah iyo 103 dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM