Wasiir ku xigeenkii Shaqada oo lagu dilay weerarkii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkii ka dhacay Muqdisho.

Marxuum Shawaqar Ibraahim Cabdalla ayaa sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka ee baarlamaanka 10aad ee dalka.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka, dhacdadaan ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 10 ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyadda duulaanka lagu ekeeyay dhismaha ay degan yihiin wasaarada ayaa sheegtay in dableyda ay gudaha u galeen dhismaha.

Ciidamada amaanka iyo kooxaha hubeysan ayaa rasaas culus is-weedaarsaday daqiiqadihii ugu horeeyay ee weerarka.

Dadka ku waxyeeloobay weerarka ayaa waxaa ku jira shaqaalo ka tirsan wasaaradaha degan xarunta la beegsaday oo kala ah Arrimaha Shaqada iyo Howlaha Guud.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa si lamid ah degan xaruntaasi oo ku taalla degmada Shangaani, gaar ahaan isgoyska Jubba.

Khasaaraha dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay korodho maadaama ay jiraan bukaano wax ku noqdo qaraxyada oo xaaladooda ay aad u liidato.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM