Weerar hoobiyeyaal ah oo lagu beegsaday xeradda Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa sheegtay in tirro hoobiyeyaal ah ay ku weerartay xerada Xalane, fariisinka ugu weyn ee howlgalka midowga Afrika ee AMISOM iyo diblumaasiyiinta caalamka.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo tabisay in dagaalameyaashooda ay tuureen Shan madfac ayaa shaacisay in qeybtooda ay ku dhaceen gudaha saldhigga.

Balse waxay ka gaabsadeen in ay soo hadal-qaadaan ama ay cayimaan khasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay maqleen daryenka qaraxyo ka dhashay madaafiicda.

"Illaa iyo saddex qarax oo xoogan ayaan maqalnay," sidaas waxaa GO khadka telefoonka ugu sheegay qof degan xaafadaha ku teedsan xerada Xalane, oo ammaankeeda aad loo adkeeyo.

Wallow aysan ka jawaabin xiriiro lala sameeyay, AMISOM ayaanan wali wax war ah kasoo saarin weerarka kaga yimid maleeyshiyaadka argagixisadda ah.

Weerarka ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka muhiimka ah ee Janaale, oo in ka badan tobban sano ay xukumeysay.

Inta badan madaafiicda lagu beegsado Xalane waxay sababaan waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac si lamid ah burbur hantiyadeed. Qaarkood waa lasoo bandhigaan, halka kuwa kalena la daboolo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM