Weerar khasaaro geestay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubaysan oo katirsan Al shabaab ayaa weerar culus saaka ku qaadey ciidamada AMISOM, xilli howlgal roondo ka ka waadeen deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa isku bedelay dagaal fool-ka-fool ah, oo dhexmaray labada dhinac, kaasi oo dadka deegaanka ay sheegeen inuu geestay khasaarooyin kala duwan.

Qarax miino ayuu ku billowday weerarka ka dhanka ah Askarta AMISOM, iyadoo kadib ay mintidiin ku hubaysan hubka fudud iyo gantaallada garbaha laga gano ay toos ugu duuleen ciidanka midowga Africa.

Dadka ku nool Carbiska ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in ugu yaraan labo qof oo uu kuu jiro wariye ka tirsan Idaacad ka howlgasha degmada Afgooye, oo haleeshay rasaasta xilli uu jidka marayay.

Wararka ayaa sheegaya in Wariyaha oo lagu magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey iska-hor-imaadka u dhaxeeyay AMISOM iyo Al shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan weerarka ciidamadeeda lagu qaaday, balse Al shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay dileen dhowr Askari oo howlgalka midowga Africa katirsan.

Inta badan Al shabaab ayaa weeraro isagu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah la eegta Kolonyada AMISOM iyo ciidamada dowladda xilliyada ay ku safrayaan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM