Xaaf oo ka huleelay Dhuusamareeb markii DF ay la heshiisay Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa ka baxay magaaladda Dhuusamareeb, xarunta Galmudug, sida uu xafiiskiisa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online.

Kolanyo gaadiid oo ay saaran yihiin ciidamo hubeysan ayaa la sheegayaa in ay Xaaf ka gal-biyeen xaruunta Galgaduud, uuna kusii jeedo magaalada Cadaado.

Huleelitaankan ayaa yimid markii ay fashilmeen dadaalo dhowr ah oo la doonayey in ay ku kulmeen wafdiga wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye iyo Xaaf.

Mr Sabriye oo wakiil ka ah xukuumada federaalka ah ayaa wada qorshe doorasho loogu qabanayo Galmudug bisha Julaayo, taasi oo uu kasoo horjeedo Xaaf oo doonaya in uu xafiiska sii joogo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hogaanka Ahlu Sunna oo heshiis qarsoodi ah la galay dowladda federaalka uu aqbalay in doorashada ay qasboonto waqtiga ay xukuumadu mudeysay.

Tani ayaa ku qasabtay madaxweyne Xaaf in uu isaga hayaamo Dhuusamareeb oo kahor midowgii maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna xarun u ahayd koox diimeedka.

Go’aanka uu ku dhawaaqey Xaaf ayaa kusoo beegmaya iyadda oo ay jiraan warar sheegaya in ra'iisul wasaare Khayre uu socdaal ku tagayo Dhuusamareeb si uu u xoojiyo wafdiga dowladda.

Magaaladda Gaalkacyo waxaa haatan ku sugan wafdi Xildhibaano federaalka ka socda kuwaasi oo degaan doorasho tahay Galmudug, una tegay xalka dadkii halkaasi lagu laayey horaantii bishan.

Ahlu Sunna ayaa maamusho qeybo kamid ah Galmudug, waxaana ay dagaalo kharaar la gashay kooxda Al-Shabaab oo ay kaga saartey magaalooyin dhowr ah.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa haatan u muuqata in ay gacanta ku dhigtay laba daraf oo kamida Galmudug oo kala ah madaxweyne ku xigeenka, Carabey, afhayeenka baarlamaanka iyo Ahlu Sunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM