Xasan: Farmaajo lagama aqbalayo in uu guddiga doorashada ku dul-gabado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uusan kusoo dul-gaban guddiga doorashooyinka isagoo goobaya muddo kororsi, sidda uu ka digay madaxweynihii 8aad ee dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Horumarka oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo diidan yahay nidaamka federaalka iyo qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu ka hor-yimid warbixintii guddiga doorashooyinka ee shaacisay in aysan waqtigeeda ku dhici karin doorashada 2020-21, isagoo ku sifeeyay mid dhabaha u xaareysa waqti ku darsiga xukuumada.

Xilli uu warbixinta ku qeexay "mid aad looga fajacay oo wixii loo idmaday aan ahayn," Xasan ayaa tibaaxay in hadalka guddiga "oo ahaa mid aan laga fileyn uu abuurayo muddo kordhin iyo mugdi siyaasadeed oo horleh".

Dhawaqa guddiga ayaa imaanaya xilli saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ku adkeysanayeen in ay dhankooda diyaar ka tahay doorashada.

"Sidoo kale, hadal-jeedinta guddiga waxaa laga dheehan karaan muddo kordhin riman; muddo kordhino kale ma ahan midda ay sheegeen oo ah 9 bilood iyo sanad iyo bar; waxaa laga sii dheehan karaan muddo kordhino kale oo kusii hoos-duugan," ayuu carabka ku dhuftay.

Siyaasiga oo ku dhaleeceeyay Farmaajo in uusan si furan uga hadlin arrimaha doorashooyinka ayaa warbixinta guddiga ku qeexay "af aan ahayn afka madaxweynaha oo muddo kordhin loogu dalbay".

"Madaxweynaha wuxuu balanqaadey in aysan jiri doonin wax muddo kororsi, way duuban tahay waa on the record, waa la dhageysan karaa 'kordhin ma dhaceyso ma imaaneyso ma waxeyneyso' intaasoo noo balanqaadey oo noo sheegay gaar ahaan waqtigii uu kursiga raadinayey iyo markii uu helayba, hadalkaasoo aad iyo aad ugu celceliyey; madaxweynaha wuxuu tilmaamay in muddo kororsiga ay lumineyso kalsoonida lagu qabo dowladnimada, sidaas daraadeed, wax la aqbali karo maahan in maanta noogu soo dulgabado guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, isagoo raadinay muddo kororsi, isagoo xitaa noo sheegeynin in uu isa soo sharaxayo," ayuu ku daray.

Dhanka kale, wuxuu bogaadiyey ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir ee 13-ka kursi Aqalka Sarre, balse wuxuu dhaliilay in koox gaar ah ay damac siyaasadeed ku raadiso, taasoo xusay in aan la aqbali karin.

Isagoo soo xiganaya dastuurka oo xeerinaya Senate-ka uu metelo dowlad goboleedyadda, Xasan ayaa ku baaqay in la dhameystiro inta ka harsan metelaada gobolka Banaadir "oo ah in uu yeesho maamul dadku doorteen".

Villa Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysay hindisahaan oo qayb ka ah ololaha doorashadda soo aadan ee Farmaajo, kaasoo wajahaya mucaaradid xoogan oo kaga imaaneysa dowlad goboleedyadda, xisbiga iyo siyaasiyiinta gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM