Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga koowaad ee Aqalka Sare [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha uu Waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxa'uud ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray xarunta Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub, ee dalka Soomaaliya.

Kalfadhiga aqalkaan ayaa furmey iyadoo weli maqan yihiin xubnihii aqalka sare u matalayey beelaha kasoo jeeda Somalialnd iyadoo wararku sheegayaan in muran badan ka taagan yahay sidii xubnaha Xildhibanada u qabsan lahayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyey Safiirka Turkiga iyo Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya, ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta KMG ah ee Golaha Aqalka sare. 

Xarunta oo ay dhistay dowladda Turkiga, ayaa markii hore waxay ugu talo-gashay inay noqoto goob Waxbarasho, ayaa waxaa u dhamaystiran adeegyadeeda, sida qalab xafiisyo kala duwan iyo Hoolal Shirarka lagu qabto. 

Xaruntaan oo markii hore ahaan jirtey Iskuul dowlada Talyaaniga dhistey intii dalka Somalia uusan qaadan xornimada taasoo dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh ku wareejisay wadanka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa dhismahaaas gabi ahaanba dhulka dhigtey iyadoo ku badashay dhismi naqshadiisu lamid tahay kuwa ka dhisan dalka Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa furay Kalfadhiga koobaad ee aqalka Odeyaasha, ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Sanatorrada cusub maanta ay yeesheen Kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii lagu dhaariyay Muqdishu Bishii December. 

Guddoomiyaha KMG ah ee aqalka odeyaasha ee Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Xuseen Raagge, ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey furitaanka xaruntaan, dowladda Turkiga ayuu si weyn ugu ammaanay waxbqadkooda Soomaaliya, waxa uu sheegay in dhowaanna ay si dhab ah u guda-geli doonaan howlaha looga fadhiyo. 

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen, ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisay xaruntaan uu socdey laba sanno, haddana ay ku howlan tahay dowladda Turkiga in Muqdishu ay ka fuliso mashaariic ka ballaaran kuwaan. 

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga dhismaha xaruntaan weyn, waxa uu tilmaamay in xarunta Aqalka odeyaasha ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan, ayna ahaan doonto goob waxbarasho, dhowaan waxaa uu xusay in uu bilaaban doono dhisme weyn oo ay lahaan doonaan labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay. 

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlada  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kula dardaarmay xubnaha aqalka odeyaasha ee Barlamaanka Soomaaliya in ay guda galaan shaqooyinkooda, dowladduna ay xoogga saari doonto in ay soo dadajiso waxyaabaha ka haray adeegyada ay u baahan yihiin.

Xarunta KMG ah ee aqalka odeyaasha Barlamaanka F. Soomaaliya, waxa ay taalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir,  iyadoo dhowaan la rajeynayo in ay ku qabsoommaan fadhiyada caadiga ah ee aqalka odeyaasha.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM