Xiisada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed oo ku dhow gacan ka hadal

Image
Image
Image
Image
Image
Saraakiil ciidan oo la magac-baxay "Badbaadada Koonfur Galbeed" ayaa kasoo horjeestey "ku darsiga" Laftagareen.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Saraakiil ciidan oo la magac-baxay "Badbaadada Koonfur Galbeed" ayaa Isniinta maanta ah waxay shir jaraa'id ku qabteen gudaha xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka ee Baydhabo.

"Muddo kororsiga aan dastuuriga ahayn" madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen u sameeyay baarlamaanka maamulkaas ayay sheegeen in ay kasoo horjeedaan.

Qabashadda doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda ayay ku baaqeen "kahor inta xaaladda faraha ka bixin". Digniintan ayaa loo fasirtey in xaalada isku-rogi karta gacan ka hadal.

"Madaxwayne Laftagareen waxaan leenahay saaxiibkeena ayaa tahay, ha isku-dayin handadaada iyo qori, waxa aad raadineyso inta aad iska daysid doorasho si nabad ah ku qabo," ayay tibaaxeen.

Midowga Murashaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed oo dhowaan shir degdeg ah ku yeeshay magaala madaxda Muqdisho ayaa si adag u qaadacay qodobadii kasoo baxay wadahadaladii guddoomiye Aadan Madoobe iyo madaxwayne Laftagareen.

Heshiiskaas ka koobnaa lixda qodob ayay ku tilmaameen “go'aano dib—u—dhigaya dib-u-heshiisiinta la filayay kahor dhamaadka muddo xileedka" hogaamiyaha Koonfur Galbeed.

Hogaanka maamulka xaruntisa ku meelgaarka ah ay tahay magaaladda Baydhabo ayay ku eedeeyeen "afduubka iyo caburinta siyaasiyiinta iyo murashaxiinta".

"Waxaan wali Koonfur Galbeed ka jira dhaqankii ay shantii sano lasoo dhaafay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomalaiyeed ay ka dhiidhinayeen sidda caburin, caga-jugleyn iyo is-hortaaga hogaamiyeyaasha siyaasada," ayay sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM