Xukun lagu riday shaqsi qarax ku xiray sideed gaari gudaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa xabsi daa'in ah ku xukuntay Mustaf Maxamed Xuseen oo magaciisa af-garashadu yahay Abuu Cabdala, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Mustaf ayaa loo haystaa Al-Shabaabnimo iyo in uu qarax nooca dhejiska ah ku xiray gaadiid. Weeraradaas waxay ka dhaceen Muqdisho.

Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha Maxkamadda oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa sheegay in ay u cuskadeen qiraalkiisa iyo caddeymo ay kamid tahay muuqaal muujinaya isagoo qarax ku xiraya gaari.

Sidda laga soo xigtay baareyaasha, falka lagu soo qabtay ayaa ka dhacay nawaaxiga isgoyska Shaqaalaha sanadkii hore 2019-kii.

Abuu Cabadalla ayaa July, 2014-kii loosoo qabtay eedeyn lamid ah tan maanta loo xukumay, waxaana waqtigaas lagu ridday shan sano oo xabsi ah. Bishii April ee 2018-kii ayuuna dhameystay xukunkaas xabsiga.

Intii ay socotay dhageysiga kiiskiisa, Mustaf ayaa u sheegay maxkamadda in Al-Shabaab ay ugu hanjabtay dil hadii uu dib ula shaqeyn waayo. Balse, sheegashadaas waxaa ganafka ku dhuftay xeer-ilaalinta.

Garsooreyaasha ayaa laga soo xigtay in sababta xabsi daa'in loogu xukumay ay tahay in falalkii uu geystay mudadii uu Al-Shabaab la shaqeynayey aysan ka dhalan wax dhimasho ah, burbur maaliyadeed mooyee.

Tan iyo markii uu xabsiga ka baxay 2018-kii, Mustaf ayaa lagu eedeeyay in uu qarax ku dhejiyey sideed gaari oo caasimada ku qarxay.

Sikastaba ha ahaatee, Mustaf oo kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kaga biiray degaanka Buur-dhuxule oo hoostaga gobolka Bakool kadib markii la xagjireeyay sanadkii 2010-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM