Yacquub Axmed: Soomaaliga "dhibanaha u ah" adoonsiga casriga

Image

LONDON, UK – Wallow dunida oo idil ay sheegeyso in ay dedaal ugu jirto sidii ay u ciribtiri lahayd, haddana dhacdooyinka laga soo warinayo adoonsiga casriga ah ayaa ah kuwa isa soo taraya sanadihii u dambeeyay.

Yacquub Axmed, waa Soomaali ku nool Ingiriiska, waxa uu sheegayaa in kahor inta uusan gelin Boqortooyadda UK uu dhibane u ahaa adoonsiga carsiga ah, sidda uu ku waramayo wargeyska Daily Mail.

30-sano jirkan oo loo haysto kufsi wadareed loo geystay gabar 16-sano jir ah loona raadinayo in laga soo musaafuriyo Britain ayaa dhowaan ka badbaaday in laga soo tarxiilo wadankaasi.

Sidda uu baahiyey jaraa'idkaasi, bishii October ee lasoo dhaafay ayuu qorshuhu ahaa in lasoo tarxiilo balse waxa uu badbaaday markii rakaabkii saarnaa diyaaradda ay ka gadoodeen arrintaasi.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey rakaabka diyaarada oo ku qeylinaya: "Ka saar diyaaradda". Axmed ayaa sugaal ku ahaa Istanbul, halkaasi oo Soomaaliya looga sii gudbin lahaa.

Bishii August ee sanadkii 2008-dii, isaga iyo saddex rag kale ayaa waxay qirteen faroxumeeyeen Inantaasi, waxaana garka loo geliyay Sagaal sano oo xabsi ah.

Talaadadii lasoo dhaafay ayuu kasoo muuqday Maxkamad ku taala Galbeedka magaaladda London, balse waxaa laga diiday in damaanad lagu sii daayo.

Sheegashooyinkiisa cusub ee maxkamad ka hor-sheegay waxaa kamid ahaa in go’aanka lagu musaafurinayo uu u horseeday qalbi jab iyo dhibaato maskaxda ah.

Qareenaddiisa ayaa shaaciyey in kal-yeentigooda ay ka cabsi qabaan in tarxiilka uu u horseedo in uu is-dilo, waxayna soo jeediyeen in la badbaadiyo.

"Dhibanaha" ayaa tilmaamay in la qafaashay lana geystay gurri uusan carabaabin goobta uu ku yaalo, halkaasi oo uu tibaaxay in uu muddo ka ahaa baalashle.

Dacwad oogeyaasha ayaa waxay, sheegashada Axmed ee ah in la adoon-saday, ku sifeeyeen "isku day la doonayo in lagu wiiqayo musaafuriska".

Ugu dambeyntii, gabdha la sheegay in ay faroxumeeyeen raggan uu kamid yahay Yacquub Axmed taasi oo aanan magaceeda lasoo bandhigin ayaa sheegtay in ay "aad uga xun tahay is hor taaga musaafuriska".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM