Akhriso Waqtiga lagu dhawaaqayo Natiijada Doorashadii Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Warsidaha Garowe Online ayaa helay macluumaad hoose oo ku aadan waqtiga kama dambayska ee lagu dhawaaqayo natiijada Doorashadii 13-kii bishan ka dhacday Somaliland.

Illo-xog ogaal ah ayaa GO u xaqiijiyay in Gudiga Doorashada uu ku dhawaaqayo gelinka dambe ee Maanta oo Isniin ah ama Saacadaha hore ee maalinta berri ah ugu dambeyn.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa 24-kii saac ee lasoo dhaafayay ay ka socdeen kulamo gaargaar ah, oo ay yeesheen WADDANI iyo KULMIYE, oo ay dhex-dhexaadinayaan Odayaasha labada musharax ee Xisbiyadaasi u tartamay.

Xogta Garowe Online uu helay ayaa waxay sheegaysaa in Cabdiraxmaan Cirro uu aqbalay inuu in looga adkaaday Doorashada, islamarkaana uu taageeri doono natiijada lagu dhawaaqayo, oo Muuse Biixi ku guulestay.

Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland, ee bedeli doono Siilaanyo oo ay iskala tirsan yihiin KULMIYE, isagoo kursiga ku fadhiyay tan iyo 2010-kii.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa maalmo kahor wadahadal la galay Gudiga Doorashada kadib markii WADDANI uu shaaciyay in lagu shubtay codadkii laga dhiibtay gobollada qaar, islamarkaana la adeegsaday warqado been abuur ah.

Cirro ayaa lagu qanciyay wadahadalka, wuxuuna dib usoo celiyay wadashaqeyntii Gudiga Doorashada, kadib markii loo balan-qaadey in dib loogu noqonayo tirinta codadka goobaha uu shakiga geliyay.

Muuse Biixi [Bidix] Cabdiraxmaan Cirro [Bidix dhexe] iyo Feysal Cali Waraabe [Midig]

Dad gaaraya 700,000 oo qof ayaa codadkooda dhiibtay Doorashadii 13-ka bishan la qabtay, iyagoo dooranaya Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, xilkaasi oo ay u tartamayeen Musharaxiinta KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM