Amniga Somaliland oo la adkeeyay xili doorasho loo dareeray

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Waxaa aad loo adkeeyay amaanka Somaliland, gaar ahaan goobaha ay ka socoto doorashadda Baaralamaanka iyo mid gollayaasha degaanka, oo Saakay oo Isniin ah billowday.

Mas'uuliyiinta Soomaliland ayaa sheegay inay sare u qaadeen Amaanka Cirka iyo Dhulka Doorashada socota Awgeed

Shacabka reer Soomliland oo ku sugan goobaha cod bixinta ayaa si dareenle uga hadlay Doorashada iyo habsami socodka, waxayna qireen dhamaantood inaysan jirin cabsi dhanka xasiloonida.

Waxaa haba yaraatee jirin wax Gaadiid ah oo u kala gooshaya gobolada iyo dagmooyinka xita Caasimada waxay dadka isticmaalayeen lugtooda, waxaana wadooyinka lagu diidiyay Ciidan boolis ah.

Xalay goor danbe waraqad qooraal ah oo kasoo baxday xafiiska warbaahinta ciidanka Soomaliland ayaa lagu sheegay in aan wax gaadiid ah dhaqaaqi Karin bari ilaa laga gaarayo 6-da maqribnimo, oo doorashadda lasoo gaba-gabeynayo.

Duulimaadka ayaa sidoo kale la hakiyay Maanta magaaladda Hargeysa, waxayna tallaabadan caqabad ku noqotay bulshada ka imanay jirtay meelaha fog fog iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Waxay mas'uuliyiintu sheegeen in doorashaddan ay ka duwan tahay doorashooyinkii hore marka la eego korjoogiyaasha ajnabiga ah ee ka socda Africa iyo meelo ka baxsan.

Somaliland oo sheegtay inay ka go'aday Soomaaliya inteeda kale 1991, ayaa 18-kii bishan u dabaal-degtay xoriyad aan ictiraaf heysan oo mudo 30 sano ah raadinaysay.

Caqabado badan ayaa ku horgudban Somaliland, oo gudaha ah kuwaasoo dib u dhigay doorashadda hadda socota oo 16 sano kahor ugu dambeysay, iyadoo intaasii uu shaqeynayay Baarlamaanka mudo-xileedkiisu dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM