Faysal Cali Waraabe oo weeraray Farmaajo kana hor-yimid raaligelinta

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa diidey raaligelintii iyo cudurdaarkii uu madaxweyne Farmaajo ka bixiyey xasuuqii dowladii kacaanka u geysatay gobolada waqooyi.

"Waxaan u arkaa nin laab la kac wada oo aan garaneyn taariikhda dadka Somaliland iyo wixii lasoo maray," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey warbaahinta maxaliga ah.

Mar la waydiiyey sababta ay ku diidan yahay raaligelinta ayuu ku jawaabay "wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu u arkaa in ay tahay reer wax tirsanaya oo la raaligelinaayo".

Farmaajo oo ka hadlay Shirka Garsoorka Soomaaliya oo asbuucii hore lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa sidoo kale jabhadihii la dagaalamay Siyaad Barre ku booriyey dhankooda in ay raaligelin bixiyaan.

Hase ahaatee, Faysal Waraabe oo si gaar ah u wajahay arrintaas ayaa qaadacay, wallow uu iska indha tiray tacadiyada lagu eedeeyo jabhadaha.

"Soomaali waa isku mid ma kala maarmeyso, waxaas ayuu akhriyaa, waxaas uu ku hadlay waa wax laga yiqyiqsado. SNM xaq u dirir bey ahayd cid ay tacadi ku sameysay ma jirto," ayuu xusay.

Mr Waraabe ayaa "wax aan jirin kasoo qaadey" tabashooyinka ka dhanka ah jabhadda SNM ee ka dhex-jira gudaha Somaliland.

Bishii July sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii Farmaajo iyo Faysal Waraabe ay ku kulmeen Brussels, magaala madaxda waddanka Belgium.

Xukuumadda talada haysa ee Somaliland ayaanan wali si furan kaga jawaabin hadalka Farmaajo, wallow la sheegayo in ay ka fekereyaan qaabkii ay kaga falcelin lahaayeen.

Dhanka kale, Waraabe ayaa cod dheer ku caddeeyay in dowladda Farmaajo ku fashilantay isu soo dhaweynta dadka iyo maamuladda waddanka.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid ayuu sheegay in ammaanka Muqdisho uu meel xun gaarey isla markaana uu "burburinayo waxyaabihii ay dhiseen madaxweyneyaashii ka horeeyay".

Ugu dambeyntii, Faysal Waraabe ayaa rajeeyay in Muuse Biixi Cabdi uu xaliyo arrimaha ka jira doorashooyinka Somaliland oo lixdii sano ee lasoo dhaafay lix jeer dib u dhacay, taasoo ka careysiisay caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM