Guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland oo "la kala dirayo"

Image

HARGEYSA, Somaliland – Is-qabqabsigii u dhaxeeyay hogaamiyeyaasha xisbiyadda Somaliland ayaa qarka u saaran in uu soo idlaado markii dhinacyadda ay "aqbaleen" soo jeedin loo gudbiyey.

Go'aanadda ay ogolaadeen ayaa waxaa soo saarey Guddi gaar ah oo loo saarey dhex-dhexaadinta dhinacyadda.

Guddiga oo ka kooban ganacsato iyo siyaasiyiin hore ayaa Isniintii, 16-ka December, 2019 soo bandhigey saddex go'aan "oo ay ka talageliyeen saddexda xisbi".

Go'aanadda ayaa kala ahaa;

In la kala diro Guddigii cusbaa ee doorashooyinka
In la soo celiyo guddigii mudada labada sano ahayd lagu muransanaa
In xisbiyada mucaaradka ay joojiyaan ficil iyo hadal kasta oo nabad galyada wax yeelaya


Cabdiraxmaan Cirro, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo saxaafadda la hadlay maanta oo Talaado ah, ayaa caddeeyay in ay soo dhaweynayaan go'aanadaas.

Cirro, oo ku hadlayey afka xisbigiisa iyo kan UCID, ayaa carabka ku adkeeyay in talaabooyinkaas ay "dan ugu jirto" Somaliland.

Dhinaca kale, hogaanka xisbiga taladda haya ee KULMIYE, oo isla maanta ka falceliyey go'aanadda, ayaa shaaca ka qaadey in dhankiisa u hogaan-samayo.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka Somaliland ayaa lix jeer dib u dhacay lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana khilaafka ugu badan uu ka jiraa xubno ku jira guddiga doorashadda.

MUUQAALKA XUBNAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM