​HCTV oo hawada Thaicom laga saaray

Image

HARGEYSA-Telefishanka afka Soomaaliga ku hadla ee HCTV, ayaa gebi ahaanba hawada ka maqan muddo, waxana wararka soo baxaya sheegayaan in Shirkadda Thaicom ee saldhiga u ah telefishanada Somalidu ay hawada ka saartay, kadib dacwad ay ka gudbisay xukuumadda Ethiopia.

Masuuliyiinta telefishanka HCTV, ayaa sheegay in dawladda Ethiopia, gaar ahaan maamulka kililka shanaad ee Somalida Itoobiya uu warqad u qoray shirkadda Thaicom isagoo dacwad ka qaba warar uu telefishanku ka baahiyay dhacdadii ka dhacday degmada Gaashaamo oo lagu laayay dad badan oo shacab ah.

Dhacdada telefhishanka HCTV hawada laga saaray, ayaa sidoo kale waxa daba socday in shalay magaalada Wajaale, gaar ahaan daanta Itoobiya lagu xidhay weriyayaal kale, iyadoo si gaar ah loola haray weriyihii ka socday HCTV, halka kuwii kale la soo daayay.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in wariyayaashaas loo qaaday dhinaca magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida Ethiopia, kadibna lagala dhex baxay wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim.

Saddexdii wariye ee kale ayaa Somaliland dib loogu soo celiyey, sida ay xaqiijiyeen ururka ay Saxaafadda Somaliland ku midowday ee SOLJA, waxana lala hadhay wariyihii kale oo aan ilaa iyo haatan la aqoosan meesha lagu hayo.

Wararka kasoo baxaya qafaalashada wariyahan, ayaa sheegaya in loo haysto warar ku saabsan dad rayid ah oo dhawaan ciidamada Leyuu Booliska Soomaalida Ethiopia ku laayeen aagga deegaanka Gaashaamo, kuwaas oo wararkii Telefishanka HCTV ka baahiyey ay dawladda Ethiopia si weyn u dhibsatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM