Maamulka Somaliland oo ganaax lacageed dul-dhigay laba telefishin

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa Axada maanta ah wuxuu ganaax lacageed dul-dhigay laba kamid ah telefishinada ku hadla afka Soomaaliga ee ka howlgala degaanadda hoos-yimaadda.

Universal Tv iyo Star Telefishin ayaa sidda ay u kala horeeyaan waxaa lagu ganaaxay 15-kun oo Doolar-ka Mareykanka ah iyo Shan Doolar, taas oo wadarta guud ahaan ka dhigeysa 20-kun oo Doolar.

Go'aanka ganaaxa ayaa kasoo baxay xafiiska agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mukhtaar Maxamed Cali, kaasoo aanan lagu caddeynin sababta iyo dacwadda loo haysto Tv-yadda.

"Lacagtaan waxaa lagu shubi doonaa khasnada dowladda dhexe," ayaa la raaciyey bayaanka oo intaas ku daray "waxa aad diwaanka lacag qabashada keeni doontaan xafiiska wasaaradda".

Warka qoraalka ah oo uu arkay Garowe Online ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Labada telefishin waa in ay u soo diyaar-garoobaan heshiis cusub oo ay la gasho Wasaaradda Warfaafinta".

Bishii June ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii ciidamadda booliska Somaliland ay ku duuleen xarumaha telefishinadan ee Hargeysa isla markaana ay albaabada ugu laabeen si dhaqsiya badan.

Tan iyo waqtigaas, ma jirto cid si furan u shaacisay sababta, hase ahaatee, waxaa lagu haystaa in aysan baahin khudbadii Muuse Biixi Cabdi ee maalinta gooni u goosadka Somaliland, sidda la ogaadey.

Somaliland oo 1991-kii shaacisay in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse dunida u aqoonsan tahay maamul hoostaga dowladda federaalka waxaa ka jira tacadi warbaahineed iyo xuquuqul insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM