Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xiisadda Tukaraq [ DAAWO]

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo markii ugu horaysay tan iyo waqtigii xilka loo dhaariyay kadib warbaahinta la hadlay, ayaa ka waramay colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq iyo arrimo ku saabsan xaalka guud ee deegaanada uu ka arrimiyo.

"Caalamka waxaan u sheegaynaa in Somaliland aysan xadkeedii ka bixin, Ciidankeenu wuxuu ka guuray goob kamid ah Somaliland, wuxuuna tagay isla deegaan kale oo Somaliland kamid ah, Gambara ayuu ka guuray Tukaraq ayuuna tagay," sidaas waxaa yiri Muuse Biixi oo ka hadlayay colaadda ka taagan gobolka Sool, isagoo intaas ku daray inaysan jirin cid ay ku xad gudbeen.

Biixi oo xiisadda gobolka dusha uga tuurayay Soomaaliya iyo dowladda ka talisa Xamar islamarkaana carrabkiisa ka ilaashay inuu kusoo hadal qaado Puntland, ayaa yiri, "Caalamkoo dhan waxaan u sheegaynaa iyo Soomaaliya anagu dagaal diyaar uma nihin, dalkayaga ayaan joognaa waliba halka ciidanku daganyahay ee Tukaraq, 70 KM ayuu u jiraa xadka Somaliland ay la wadaagto Soomaaliya. Dastuurka Somaliland wuxuu qorayaa in dowladdu sugto xuduudaheena waana wixii la ii dhaariyay."

Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in dowladihii dalka Soomaaliya soo maray ku fashilmeen inay xoog ku qabsadaan dhul kamid ah maamulkaas, wuxuuna ka digay wuxuu uga yeeray "Abuul Qabiil" oo ka socda gobolka Sool.

"Mar labaad waxaan ka digaynaa hadii aad nasoo weerartaan, oo xadkaas kasoo talowdaan anagoo ILAAH la kaashanayna waxaan hubnaa sidii hore ee nin kasta oo nagu soo duula uga adkaan jirnay inaan idiin ka adkaanayno, xadkayagana waan tagaynaaye ogaad hadaad soo duushaan." sidaas waxaa shirkiisa Jaraa'id ku sheegay Muuse Biixi oo tilmaamay inuu diyaar u yahay wada-hadal iyo inay ka dhabeeyaan sidii labada dhinac [Somaliland iyo Soomaaliya] uga wada-hadli lahaayeen arrimaha ka dhaxeeya, inkastoo xukuumadda Muqdisho uu ku dhaliilay inay ka been sheegayaan wada-xaajoodkii bilowday 6 sano ka hor sida uu hadalka u yiri Madaxweynaha Somaliland.

Ilaa hadda dowadda Federaalka Soomaaliya kama hadlin eedahay Somaliland usoo jeedisay, xilli xiisadda gobolka Sool ay ku kooban tahay muran u dhaxeeya labada maamul ee sheegta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dhinaca kale, mas'uulkan ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin calaaqaadka kala dhaxeeya Axsaabta siyaasadda Somaliland, Sicir bararka, hadallada warbaahinta ay mariyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo duubabka dhaqanka Somaliland, kuwaasoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo kala dambaynta maamulkaas.

Mar uu ka hadlayay sababaha lagu xakamayn karo Sicir bararka, wuxuu shacabka ugu baaqay inay yareeyaan dakhliga ay ku lumiyaan iibsiga Qaadka oo uu sheegay inay ku baxdo malaayiin doollar.

Mar uu ka hadlayay safarro uu ku tagay qaar kamid ah waddamada dariska ah ee Africa, wuxuu tilmaamay inuu kala soo hadlay waxyaabo ku saabsan Ictiraafka Somaliland, "Amniga iyo Dimuqraadiyadda ka jira Somaliland maaha in lagu ammaanee waa in lagu abaalmariyaa," sidaas waxaa yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Warbaahinta qaybaheeda kala duwan ayuu fariin u diray isagoo ka codsaday inay ilaaliyaan danta iyo sirta Qaranka, wuxuuna saxafiyiinta ugu baaqay inay ku daydaan raggii ka horeeyay sidii ay ugu halgameen dhismaha Somaliland iyo ilaalinteeda.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli xiisad colaadeed oo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ay taagantahay deegaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo katirsan labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM