Muuse Biixi oo xaalad degdeg ah soo rogay kadib dilka laba sarkaal

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu xaalad degdeg ah kusoo rogay saddex degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag waqoyga Soomaaliya.

Degmooyinka uu amarkaan madaxweyne saameynayo ayaa waxay kala yihiin; Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo oo ah caasimad gobolkaasi qayb kamid ay ka aramiso Puntland.

Tani ayaa waxay ka dambeysay markii Isniintii weerar jidgal ah lagu dilay laba sarkaal oo ka kala tirsanaa Ciidanka Booliska iyo Asluubta ee maamulka gooni isu taaga ah.

Saraakiisha oo la sheegay in ay dabley dishay ayaa kala ah; Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga Gar-adag ee Ciidanka Asluubta iyo Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska Gar-adag.

Lama ogga waxay dhaliyay dilka labada taliye balse warar ayaa sheegaya in uu ka dhashay xarig qof dadka degaanka ah, wallow aanan la hubin sababta dhabta ah.

Mas'uuliyiinta gobolka oo warbaahinta maxaliga u xaqiijiyey in ay baxsatay kooxdii falka khaarijinta ah geystay ayaa shaaca ka qaadey in ay ku raad-joogaan.

Sidda ku cad amarka madaxweyne ee Biixi, ciidamada ayaa la siiyey awood dheeraad ah oo ay ku qaadi karaa talaabo kasta oo ay u arkaan mid lagu sugi karo amaanka faraha kasii baxaya.

Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo xoogaga Somaliland ay wajahayaan eedaymo ku aadan in ay xadgudub u geystaan dadka shacabka ah.

Dadka ayaa su'aallo iska waydiinaya hadii xaalada degdeg ah ee uu soo rogay Muuse Biixi ay xal u noqon karto amni darida gobolkaasi ay ka jirto colaad beeleed daxaleysatay.

Intaasi waxaa wehlisa in abaar daran ay ka jirto halkaasi xili xukuumada Hargeysa lagu dhaliilay in aysan wax gurmad ah gaarsiinin dadka halkaasi ku nool ee nolosha adag wajahaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM