Somaliland oo ku guuleystay qorshe 10 bilood u dejinaysay Kenya

Image

NAIROBI - Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Somaliland, oo sheegtay inay ka go’aday Soomaaliya 1991, balse aan caalamka ka helin wax aqoonsi ah inay dal madaxbanaan tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa u dirtay Hargeysa wakiil gaar ah oo lagu magacaabo Philip Mundia, kaasoo ka shaqeynaya howlgalka diblomaasiyasadeed ee Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa mudo 10 bilood ah ku qaadatey inuu dowladda Kenya ku qanciso inay ku biirto dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ee xafiisyada diblomaasiyadeed ka furtay magaaladda Hargeysa.

Maalgashiga

Bishii December, Somaliland ayaa ku qabatey Nairobi kulan ay ugu magacdartay “Madasha Maalgashadiyaasha” kaasoo uu soo qaban qaabiyay Wasiirkeeda wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Ganacsato u dhashay Kenya, oo Somaliland usoo bandhigtay fursado maalgashi, oo ka jira degaanadeeda.
"Waxaa yaalla Somaliland fursado badan oo la maalshan karo. Waxaan u baahanahay inaan ballaarino ganacsiga isaga kala gudba xuduudaha iyo maalgashi labada dhinac,” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Kenya Airways

Somaliland ayaa ka codsatay Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways inay duulimaad toos ah ka billowdo Hargeysa iyo Nairobi, maadaama magaaladda ay maalin walba tagaan ama ka yimaadeen dad badan.

Waxaa jira dada badan oo Kenyan ah oo ku nool ama ka shaqeyta gudaha Somaliland, iyadoo tanina ay kamid tahay waxyaabahaa maamulka Muuse Biixi ku duulayo, ee uu ku raadinayo maalgashiga Kenya.

Kenya ayaa xiriir kala dhaxeeya Muqdisho, waxaana madaxdeeda ay dhawaan heshiis la galeen Madaxweyne Farmaajo, kaasoo lagu xoojinayo xiriika labada dal iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Ninka hadda Kenya u dirtay Hargeysa ayaa ah diblomaasi kasoo shaqeeyay Safaaradda Kenya ee magaaladda Moscow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM