Somaliland oo xuseysa 18-ka May xilli uusan caalamka aqoonsan 28 sano

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa maanta xusaya maalinta 18-ka May, oo ku asteysan maalintii Hargeysa si iskeed ah u shaacisay inay ka go'aday Soomaaliya inteeda kale.

Munaasabado ku aadan 18-ka May ayaa lagu qabtey magaalooyin ay kamid tahay Hargeysa, halkaasi oo wadooyinkeeda iyo dhismooyinka dhaadheer la suray calanka Somaliland, iyadoo mas'uuliyiinta hadda xukunka haya iyo kuwii horey ay ka qeybgalayaan xaflad ka dhacaysa madaxtooyadda.

Somaliland ayaa xiligan wajaysa duruufo kala duwan, oo abaaro iyo colaad beeleedyo degaanada qaaar ka socda, iyadoo dhanka kale xiisad ay kala dhaxeysa Puntland, kadib markii ay ku duushay, kadibna qabsatay Tukaraq January 2018.

Sidoo kale, Somaliland waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya xisbiyadda oo isku haya qaabka loo qabanay doorashada Gollaha Wakiiladda iyo Golayaasha degaanka oo mudo dhowr jeer ah dib u dhac uu ku yimid.

Xisbiga Waddani ee uu hogaamiyo C/raxmaan Cirro ayaa diidan in gudiga doorashada xilliga jira uu qabto doorashada, kaasi oo loo jeediyay eedeymo musuq-maasuq oo la sameeyay doorashadii uu kusoo baxay Muuse Biixi November, 2017.

Marka laga soo tago caqabadaha gudaha, waxaa Somaliland ay dhawaan joojisay wadahadalladii dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Baarlamaanka Muqdisho uu sharci darro ku tilmaamay heshiiska Dekadda Berbera.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM