Soomaaliya: Ciidamo xoog ku galay Guriga Fanaanka Nimcaan Hilaac

Image

BOORAME, Somaliland - Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa xoog ku galay guriga qoyska Fanaanka lagu magacaabo Nimcaan Hilaac oo ku yaalla magaalada Boorame, ee xarunta gobolka Awdal.

Wararka ayaa sheegay in Booliska Somaliland ay weerareen Guriga kadib markii ay heleen xog ah in Fanaanka uu si dhuumaalaysi ah dhanka xadka Jabuuti uga soo galay magaalada Boorame.

Laakiin, markii ay ciidamada ka waayeen Nimcaan Guriga ayaa la sheegay inay kaxaysteen Aabihiisa Cabdiraxmaan Xasan iyo wiilal dhalinyaro ah oo la dhashay kuwaasi oo wax laga waydiinayo waxa ay ka ogyihiin halka uu ku sugan yahay Nimcaan Hilaac.

Fanaankan da'da yar ayaa sababta ay ugu raadjoogaan ciidamada Somaliland ayaa ah inuu safar shaqo ku tagey magaalooyinka kamid ah Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Muqdisho iyo Baydhabo oo bandhig faneed kusoo sameeyay.

Dibadbax ayay dhigeen Dadka deegaanka, oo kasoo horjeeda xariga Fanaanka, waxaana ay isku dhaceen ciidamada amniga Somaliland, sida ay sheegayaan wararka GO uu ka helay Saraakiisha magaalada.

Somaliland ayaa u aragta Fanaaniinta iyo Wariyaasha shaqada u taga Muqdisho ama Koonfurta Soomaaliya inay yihiin dad kasooo horjeeda madaxbanaanideeda ay aqoonsiga mudada 26-ka sano u raadinayso.

Waxay horey u xirtay Wariyaal ah kamid yihiin Cabdimaalik Coldoon, oo arrimaha bini'aadanimada ka shaqeeya iyo Cumar Seerbiya oo ka howlgala Idaacad iyo TV ku yaalla Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM