Su'aallo laga keenay war-murtiyeedkii laga soo saarey shirkii Jabuuti

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa su'aallo ka keenay war-murtiyeedkii xalay saqdii dhexe laga soo saarey wadahadalkii dowladda federaalka iyo Somaliland ku dhexmaray Jabuuti.

Bayaanka waxaa lagu soo daray qodob horleh oo aan ku jirin heshiiskii loosoo bandhigay saxaafadda markii lasoo afjaray shirkaas.

Qodobkaas wuxuu fasaxayaa isu socodka dhaqanka, cayaaraha, waxbarashada iyo ganacsiga Muqdisho iyo Hargeysa oo mugdi uu ku jiray.

Khadar Xuseen Cabdi, oo ah xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, ayaa sheegay in waydiinta koowaad ay daaran tahay sababta keentay in shirka oo lasoo afjaray 18-kii bishaan uu bayaankiisa soo baxo 22-ka isla bishaan.

"Ma WhatsApp-ka ayaa lagu sii wada xiriirayey ma wadahadalo aan ogeyn baa socday, maxaa la qarinayey, maxaa la qooshayey mise dabaaldegii iyo guul beenaadkii la doonayey in leysku sawirro ayaa dib looga dhigayey xaqiiqada marka ay soo baxdo oo dadka ayaa ah dad la bartay oo la daraaseeyay, taas waa su'aasha koowaad oo u baahan in xukuumadda ka jawaabto oo mar labaad uu madaxweynuhu gaariga u soo koro," ayuu yiri Khadar.

Maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa abaabulay isu soo baxyo balaaran oo lagu soo dhaweeyay wafdigii kaga qeybgalay wada-xaajoodyadda markii ay ku laabteen Hargeysa.

Khadar ayaa hoosta ka xariiqay in su'aasha labaad ay ka qabaan qodobada; dhaqaalaha, maamulka hawada, iyo is-dhexgalka.

Xoghayaha oo rumeysan in eray bixinta "is-dhex-galka" ee bayaanka ku jirta ay la macno tahay "in ay dib u midoobayaan Soomaaliya iyo Somaliland" ayaa xukuumada Biixi ku booriyey in ay "runta u sheegto dadka".

"Waxaan leenahay Ilaahey ka baqa oo dadkan ka daaya xamaasad gelinta iyo guushaan aan xaqiiqada ku saleysneyn," ayuu tibaaxay.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon] oo ka falceliyey bayaankaas, ayaa ku adkeystay in ay ku jiraan qodobo qalad ah isla markaana "si deg-deg ah loo sixi doono".

Shirkii Jabuuti ku dhexmaray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo Itoobiya ay soo qaban-qaabisay ayaa qorshuhu yahay in mar kale uu dib uga bilowdo isla Jabuuti horaanta August.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM