Xukuumadda Biixi oo la siiyey waqti cayiman oo ku aadan doorashooyinka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Biixi ayaa maanta oo Khamiis ah kulankii labaad, oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, wuxuu la qaatey hogaanka xisbiyadda mucaaradka ee UCID iyo WADDANI.

Kulankii koowaad oo todobaadkan ka qabsoomay Madaxtooyadda ayaa waxaa kasoo baxay saddex qodob oo lagu kala sheegay;

 In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

 In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

 In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Cabdiraxmaan Saylici, madaxweyne ku xigeenka, oo kulankii labaad kadib la hadlay war-fidiyeenka, ayaa shaaca ka qaadey in laysla qaatay fulinta qodobadaas.

Saylici ayaa xusay in leysku raacay in xukuumadda iyo xisbiga taladda haya la siiyo "waqti cayiman" oo looga gudbayo caqabadaha ku geedaaman doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka".

Sidda laga soo xigtay mas'uuliyiin, waqtiga kama dambeysta ah ee xukuumadda ku caddeyneyso in ay qaban karto doorashooyinka ayaa dhamaanaya 10/01/2020.

Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha WADDANI, oo ku hadlay afka xisbiyadda mucaaradka, ayaa rajeeyay in aan laga dib-marin taariikhdaas.

"Waxaan u sheegeynaa cid walba oo daneyneysa arimaha doorashooyinka Somaliland in wixii ka dambeeya 10-ka bisha 1aad ee sanadka dambe aan filayno war Umadda ka farxiya," ayuu yiri Ciro.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland ayaa lixdii sano ee lasoo dhaafay ku murusanaa doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo baaqday muddo lix jeer ah, taasoo Beesha Caalamka ka walaacdey.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM