Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad

Image

GAROWE, Puntland - Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad ayaa ku geeriyooday gudaha waddanka Mareykanka, sidda ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa iyo saaxiibadiisa.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ku biirtay dhinacyadda tacsida ka diray dhimashadda marxuumka, oo xubin ka ahaa baarlamaankii koowaad ee dalka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo murugada la wadaagay qoyska, ayaa Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.

War-saxaafadeedka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad oo ku geeriyoodey dalka Maraykanka.

Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa Sharciyaqaan, Ruugcadaa Siyaasi Soomaaliyeed ah oo door muhiim ah kasoo qaatay halgankii Soomaaliya, hanaanka xisbiyada badan ee xukuumadihii 1960 ilaa 1969, isaga oo ka mid noqday Baarlamaankii ugu horeeyay ee Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Yuusuf Cismaan Samatar oo soo noqday Guddoomiyihii Xisbigii SDU, waxaa uu Waxbarasho Jamacadeed oo lacag la'aan ah ka saacidey dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba kumanaan arday Soomaaliyeed oo maanta dalkooda iyo dadkoodaba u shaqaynaaya, una soo shaqeeyey, waxa uu ahaa siyaasigii Soomaaliyeed ee wakhtigii ugu badnaa maxbuus u noqda aragtidiisa.

Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM