Garowe Online oo wareysi la yeeshay Gudoomiyaha cusub ee Ururka Haweenka Qaranka Somalia

Image

GAROWE, Puntland - Warsidaha Garowe Online ayaa Wareysi gaar ah kula yeeshay magaaladda Garowe, ee caasimadda Puntland gudoomiyaha cusub ee Ururka Haweenka Qaranka Somalia, Ayaan Cabdullaahi Axmed Afrax.

Ayaan ayaa wareysiga uga warbixisay arrimo badan, oo ku saabsan doorashadeeda iyo waxyaabaha uga qorsheysan Ururka, oo mudooyinka lasoo dhaafay howlihiisu ahaa kuwa gaabis ah, oo eedeymo badan loo jeediyay hogaankiisa hore.

Wareysiga oo qaab qoraal ah ayaa u dhacay sidan:

Garowe Online:Dadka aan ku aqoon, bal u sharax waa qofma Ayaan Cabdullaahi Axmad Afrax?

Ayaan Afrax: Waxaan ahay gabar Soomaaliyeed, Hooyo ah, baratey culuumta sharciga, takhasuskeygu waxaan ku qaatey ganacsiga iyo maamulka, dagaalkii sokeeye ka hor wadanka Canada ayaan dagay kadib waxaan u soo guurey dalka Rwanda kuna noolaa muddo 18 sano ah. Waxaan si joogto ah u imaan jiray dalka Soomaaliya anigoo ka qayb qaatey dib u dhiskiisa. Dalka Rwanda intaan deganaaa madaama uu kamid yahay dalalka dagaalada sokeeye dhibaatooyinka ka soo gaareen dumarka waxaan ka qayb qaatey maashaariic kala duwan oo wax loogu qabanayo horumarinta dumarka dalkaas sida shaqo abuuris loo sameeyey.

Garowe Online: Maxaa kugu dhaliyay inaad xilkan Gudoomiyaha Ururkan Haweenka Qaranka aad qabatid?

Ayaan Afrax: Waxaa igu dhaliyey markaan arkey kala daadsanaanta Ururka iyo baahida Haweenka u qabaan adeega ururkaan meel kastoo ay joogaan iyo ka maqnaanshiyaha Ururkan ee saaxadda caalamka ayaa ugu weyn waxyaabaha igu dhaliyey in u tartamo xilkaan. Dhinaca kale, arimaha ugu muhiimsan ee igu dhaliyey in aan madax u noqdo ururkaan waxaa kamid ah tacdiyada loo gaysto dumarka Soomaaliyeed kuwaasoo hogaankii hore ee ururkaan waxbadan uusan ka qaban halka uu aad u hooseeyo adeegyada caafimaad ee loo qabto dumarka Soomaaliyeed meel kasta ay jooogaan.

Garowe Online: Sidee u dhacday hanaanka doorashadaada, xagee lagugu doortay, imisa Musharax ayaa kula tartantay?

Ayaan Afrax: Doorashada waxay ka dhacdey Muqdisho, ururku waxaa uu u dhisan yahay sida Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna wax ku doortaan nidaamka beelaha Soomaaliyeed wax ku qaybsadaan, maadaama aan aaminsanahay in xuquuqda dumarka sidaas ku jirto. Dadka doorashada ka qayb qaatey waa 61 xubnood X 5 beelood = 305 xubnood. Doorashada waxaa u tartamey 3 musharax, oo ay kamid aheyd Gudoomiyihii hore ee ururka, Caasha Cumar Geesdiir taasoo xilka horey ugu wareejisay Gudoomiyaha xilka ka dagtey. Caasha ayaa xilkaan ku wareejisay Gudoomiyaha hadda xilka ka dagtey madaama ay ku dhaawacantey qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya.

Garowe Online: Maxay u tartami waydey Gudoomiyihii hore?

Ayaan Afrax: Way diidey iney ka qayb gasho tartanka doorashada

Garowe Online: Ma aqbashay Gudoomiyihii hore natiijadada doorashadaada?

Ayaan Afrax: Kama aysan hadlin natiijada doorashada iyadoo la ogeysiiyey markii ay dhaceysay balse muddo kadib waxay Idaacadaha ka sheegtey in doorasho kale qabanayso taasoo loo daba-socdey tan iyo 2016 iney qabato. Ururka Haweenka waa madax banaan yahay, haweenka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin iney doortaan hogaan cusub madaama gudoomiyihii hore muddo xileedkeedii dhamaadey kuna darsatey 3 sano oo dheeraad ah.

Garowe Online: Hadii ay diiday in adiga loogu doortay xilka, maxaa kaaga qorsheysan?

Ayaan Afrax: Diidmadeeda waxba badali mayso mar hadii Haweenkii Soomaaliyeed oo ka kala yimid Shanta maamul goboleed ee Soomaaliya doorteen Gudoomiye cusub. Waxaa iiga qorsheysan waxqabad, horumarinta haweenka Soomaaliyeed, la dagaalanka tacadiyada loo gaysto dumarka iyo in aan diirada saari doono shaqo abuuris iyo xirfado gabdhuhu helaan sida qoondooyin gaar ah oo laga siiyo deeqaha waxbarasho ee dalku helo.

Garowe Online: Waxa la sheegay in doorashadda la qabtay iyadoo waqtigeeda la gaarin, maxaad arintaasi uga jawabeysaa?

Ayaan Farax: Taas ma aha mid sax ah Batuulo waxaa shaqadaan loo dhiibey 28 Oct, 2012 muddo xileedkeedu waxaa uu ku ekaa 28 Oct, 2016 balse ma aysan qaban doorashadii laga rabey taasoo ku tuseysa iney waqti dheeraad ah ku darsatey muddo xileedkeedii oo ah Sadex sano.

Garowe Online: Waxaad nooga warbixisaa qaab-dhismeedka Ururka Haweenka Qaranka?

Ayaan Afrax: Ururku waxaa uu leeyahay qaab-dhismeed lamid ah kuwa hay'adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn, waxaa uu leeyahay Gudoomiye, Labo gudoomiye ku xigeen, guddiga fulinta oo ka kooban 25 xubnood kuwaasoo ay ka yimaadaan madax qaybeedyada ururka wada howlihiisa.

Garowe Online: Muxuu yahay doorka haweenka ka qeybgalka soo celinta Nabad iyo horumarka dalka?

Ayaan Afrax: Haweenka waa lafdhabarka nabada iyo hurumarka dalka, guri walba aas-aaskiisa waa Hooyada, waxayna yihiin kuwa mar walba u taagan wacyi galinta iyo dhiirigalinta bulshada Soomaaliyeed kuwaas muddo farabadan ku soo jirey dagaalo sokeeye.

Garowe Online: Ugu dambeyn, maxay tahay fariintaada ku aadan Haweenka Soomaliyeed?

Ayaan Afrax: Waxaan u dirayaa dhamaan Haweenka Soomaaliyeed iney midoobaan islamarkaana kala shaqeeyaan ururka iyo madaxdiisa sidii kaalinta loo baahan yahay uga qaadan lahaa dib u dhiska dalka taasoo diirada lagu saarayo hurumarinta haweenka Soomaaliyeed.

Mahadsanid.!

 

Related Articles

Olole loogu magacdaray 'Garowe nadiif ah" oo bilowday

Ololaha nadiifinta magaalada oo ay ka qeybgalayaan 5,000 oo qof oo ka kala yimi xaafadaha caasimada Puntland.

  • Wareysiyo

    15-12-2022

  • 09:14AM

Saddex sabab oo Soomaaliya ugu dhawaaqi karin macluul

Hay'adaha gargaarka ayaa lagu waramay in ay ku cadaadinayaan dowladda in ay iclaamiso "xaalad gaajo ah".

  • Wareysiyo

    07-11-2022

  • 03:48PM