Ciidamada Ilaalada Badda Puntland oo qabtey Dooni hub sharci daro ah sida [SAWIRO]

Image
Image

BOSSASO, Puntland - Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa habeenkii xalay howlgalo ay galeen waxay ku soo qabteen meel 17 KM dhinaca Barri kaga beegan magalaada Bossaso Dooni sida hub sharci daro ah.

Ciidamada Badda Puntland oo ku howlgalyey xog ay ka heleen ciidamada caalamiga ah ee ku sugan badaha Somaliya ayaa doonidaan sidey noocyada kala duwan ee qoryaha dagaalka gacanta ku dhigey intii u dhexeysay 3:00-4:00am aroornimo sida warsidaha GO ka heley ilo lagu kalsoon yahay.

Doonidaan ayaa wararka aan heleyno waxay u rarneyd nin magaciisa lagu soo koobey Cabdi Dhoof oo kamid dadka hubka sharci darada ah ka shaqeysta.

Noocyada hubka doonidaan ayaa waxaa lagu sheegey qoryaha Dhashiikaha, PkM iyo AK47.

Wararka ayaa sheegaya in hubkaan laga keeney dalka Yamen oo ah halka ugu badan ay ka yimadaan qalabkaan sida sharci darada ah looga soo dajiyo xeebaha Puntland.

Dalka Yamen oo dagaalo sokeeye ka socdaan ayaa haddana waxaa saldhigyo ku leh kooxaha argagixisada ah sida Al Qacida iyo Daacish kuwasoo la rumeysan yahay in xiriir ka dhexeeyo kooxaha dhigooda ah ee ku dhuumaleysta buuraha Golis ee Puntland.

Ciidamada Badda Puntland oo tageero ka hela Wadanka Imaraadka carabta ayaa tan iyo intii dhidibada loo aasey waxay guulo waaweyn kasoo hoyeen howgalada lagu sugayo amniga degaanada hoos yimaada Puntland.

Dhismaha ciidmadaaan oo ay ka dambeysay dowaladii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa wax weyn ka qabtey howlgaladii lagula dagaaalamayey kooxaha burcad badeedka ah ee ka howlgali jirey degaanada Puntland.

Mid kamid ah howgalada lagu xusuusan karo oo ciidmadaan kaga hortageen kooxaha Burcad badeedka ahaa ayaa waxaa kamid ahaa soo deyntii dadka madax furashada loogu haystey Markabkii la oran jirey Iceberg1 kuwasoo tiradooda gaareysay 28 Badmaax.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM