Puntland: Kaluumeysato Markab ku afduubtay Xeebta Caluula oo hadlay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Rag Kalluumaysato ku sugan xeebaha Bari ee Puntland, ayaa wararku sheegayaan inay af-duubteen markab ku sugnaa nawaaxiga degmada Caluula.

Qaar kamid ah ragga af-duubka gaystay oo la hadlay Radio Garowe, ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in la qafaasho Markabkan oo ay saaranyihiin ajaanib gaaraysa 10 qof kuwaasoo qaybtood u dhasheen Filibin iyo Ingiriiska.

Mid kamid ah raggaas ayaa iska fogeeyay eedaha uga imaanaya bulshada iyo beesha caalamka kuwaasoo ku tilmaamaya inay yihiin Bur-cad isagoo taa badalkeeda tilmaamay inay difaacayaan dhulkooda.

Markabka ay qabteen ayay ku eedeeyeen inuu sido Sun, taasoo qayb kamid ah uu ku daadiyay xeebaha Puntland.

“Anigu waxaan ku sugnahay badda Caluulo, waxaanu nahay qolo kalluumaysato ah, xeebahaas ka jillaaban jirtay, agab waxaan lahayna waxaa xaalufiyay Jariif iyo Kiimikooyin. Anagoo badda ka kalluumaysana, waxaa noo yimid Markab kiimiko wada oo qaybtood kusoo daadiyay xeebaha Puntland oo waliba qayb soo caarisay,”Sidaas waxaa RG, u sheegay Mid kamid ah ragga afduubka gaystay.

Qafaalashada kahor ayay sheegeen in labada dhinac uu dhex-maray gacan ka hadal aan sababin wax khasaaro ah.

“Markabkan muddo ayuu meesha taagnaa, dhalinyaro Kalluumaysato ah ayaa damacday inay u tagaan oo la hadlay, biyo ay ku sayreen iyo gacan ka hadal waxbaa dhex-maray, markaas kadib ayaan qorshahan ku dhaqaaqnay,”Ayuu yiri mid kamid ah raggaas oo la hadlay Radio Garowe.

Xubnaha Af-duubka gaystay ayaa ka cudur-daartay inaysan xilligan bixin karin faah faahin ku aadan rabitaankooda, laakiin ay doonayaan inay adduunka tusaan dhibaatada lagu hayo xeebaha Puntland.

Kalluumaysatadan ayaa sidoo kale sheegtay inay falka ku dhaqaaqeen kadib markii xeebaha Puntland laga waayay Kalluunkii caadiya la jillaaban jiray, taasna ay sabab uga dhigeen Marakiib ay badda kusoo daysay dowladda Puntland.

Dowladda ay ku eedeeyeen inay qayb ka tahay arrimaha xaalufinta kasocota xeebaha iyagoo si gaar ah u dhaliilay Madaxweyne Gaas oo ay xuseen inuu hishiis lasoo galay.

Raggan oo sii hadlayay ayaa ka digay in la isku dayo in qaab xoog ah lagu furto Markabka, iyagoo ku goodiyay inaan si nabad ah lagu kaxaysan doonin hadii qaab khasab ah isku daydo dowladdu inay markabka kusii dayso.

“Waliga qorshahan kuma fakarin laakiin maanta waa la igu khasbay, waxaa la arkayaa kumanaan badda koraya, laakiin muhiimaddu waxaa weeyeen in dhulka la ilaaliyo, Cabdiwalina wixiisa waa ka dareey,”Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah Afduubayaasha.

Xaaladooda iyo midda la haystayaasha ayay xuseen inay tahay mid wanaagsan iyagoo cadeeyay ilaa hadda inaysan wax wada-hadal ah dhex-marin labada dhinac.

Ilaa haddda majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinac dowladda Puntland.

Arrintan ayaa timid xilli kor ay usii kacaysay qaylo dhaanta ka imaanaysa Kalluumaysatada ee ku sugan xeebaha Puntland, halka maraakiib hishiis ay lasoo gashay xukuumadda Gaas dhawaan ay taagnaayeen degmada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM