Golaha wasiirada Puntland oo ka gaabsadey taageerista xukuumada cusub ee Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowlada Puntland oo dib ugu soo noqdey magalaada Garowe ayaa maanta waxaa uu shir gudoomiyey kulankii Khalmiisla ahaa ee golihiisa xukumada kaasoo lagaga hadlay arimo ay kamid yihiin abaaraha iyo burcad badeedka.

Kulankaan oo warsaxafadeed kasoo baxay lagu faafiyey Bogga Facebook ku leeyahay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagaga hadlin golaha xukuumada dowlada Federaalka kuwasoo Ra'isal wasaraha Somalia kaga dhawaaqey magalaada Muqdishu March 21,2017.

Xukuumada Puntland ayaa kulamada Khamislaha ah kaga hadli jirtey arimaha siyaasada ee ku soo kordha dowlada Federaalka ah.

Madaxweyne Gaas oo saaxafada waydiisey markii uu dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Puntland ee Garowe aragtidiisa ku aadan xukumada cusub ee Somalia ayaa soo dhoweeyey.

Dhinaca kale kulanka golaha xukuumada Puntland ayaa lagaga hadlay sida ay dhab uga tahay dowlada Puntland la dagaalanka burcad badeednimada iyadoo sidoo kale aan laga hadlin in maamulkaas uu la dagaalamayo Kaluumeysiga sharci darada ah.

Warsaxafadeedkaan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaadey mashaariic hurumarineed ee laga hirgalinayo Puntland kuwasoo isugu jira wado laami ah oo laga dhisayo degmada Eyl halka Mashruuc dhisme garoon diyaradeed laga fulinayo magalaada Galkacayo.

Shirkada fulineysa mashaariicdaan oo laga leeyahay dalka China ayaa dagan wadamada Ethiopia iyo Jabuuti iyadoo maamulka Puntland horey uga fulisay dhismaha garoonka diyaaradaha magalaada Bossaso.

Madaxweynaha Puntland oo maalintii shaley warsaxafadeed ku qabtey magalaada Garowe ayaa ka baaqsadey Inuu sheego magaca shirkada fulineysa mashaariicdaan taasoo la yiraahdo CCECC ( China Civil Engineering Construction Corporation).

Shacabka Puntland iyo guud ahaan dadka Somalida ayaa baraha bulshada iska waydiiyeu warsaxafadeedkii madaxweyne Gaas kaasoo uu ku sheegey in dalka Ethiopia fulinayo mashruucaan. Halka ka dhageyso 

China Engineering Construction (CCECC) ayaa dalka Jabuuti ka dhistey dekad weyn halka dalka Ethiopia ka fulisay mashaariic kale.

Shirkadaan ayaa waxaa iska leh dowlada China oo mashaariic ka fulisa dalal badan ee ka tirsan qaarada Africa. 

HOOS KA AKHRI WARSAXAFADEEDKA SHIRKA GOLAHA XUKUMADA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM