​Urur siyaasadeedkii ugu horeeyay tan 2013 oo Garowe looga dhawaaqay

Image

GAROWE, Puntland- Xaflad hadda ka socota xarunta PDRC oo ay shir ku leeyihiin Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland iyo ururada Bulshada ayaa looga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub.

Ururka oo magaciisa lagu sheegay (Ururka Umadda), ayaa noqanaya midkii ugu horeeyay ee la sameeyo tan iyo 2013 markii uu istaagay nidaamkii dimuqraadiyadda ee ay waday xukuumaddii Farole, taasoo caqabad ay ku noqdeen siyaasiyiin dano gaar ah waqtigaas watay.

Ururkan oo hadii uu buuxiyo shuruudaha loo dejiyay ururada furmi doona Xisbi, ayaa waxaa hormuud ka aha nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Cali.

Kalmad kooban oo uu jeediyay, wuxuu ku sheegay in ururkan uu noqon doono mid u dhaxeeya umadda Somaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Puntland.

Cabdirashiid ayaa sheegay inay gogol dhig u tahay hormar, nabad iyo amni, isagoo sheegay in u jeedka ay u sameeyeen tahay sidii looga gudbi lahaa nidaamka qabaliga ah ee lagu caano maalayay 19 sano.

Guddoomiyaha ururkan ayaa sidoo kale tilmaamay in guushu ku jirto waxa laga walwalsanyahay, isagoo codsaday in lagu dhiirado hirgalinta nidaamka si loo gaaro guulo waaweyn.

"Waa inaan horay u soconaa, guushuna waxay ku jirtaa waxa aan ka baqayno," Ayuu yiri mas'uulka ururkan  Cabdirashiid Maxamed Cali oo intaas ku dara, "19 sano ayaan jirnaa waxaana isticmaalaynaa nidaam qabali ah, marka aan furano ururo si aan uga mid noqono axsaabta hogaaminaysa ama u tartamaysa hogaanka dalka."

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah TPEC, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa soo dhaweeyay ururkan cusub, wuxuuna sheegay in hadii uu kasoo baxo shuruudaha loo dejiyay inuu noqon doono Xisbi.

Dowalada Madaxweyne Gaas ayaa weli ku dhawaaqin xisbi siyaasdeed ay leedahay taasoo dad badan u fahmeen ineysan daacad ka aheyn  nidaamkaan.

Arrintan ayaa timid xilli sannad iyo bar wax ka yar u harsantahay xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas, taasoo lagu dhaliilayo inay gaabis galisay hirgalinta nidaamkan, xilli ololihii doorashada ay ku gashay inay waddanka gaarsiin doonto doorasho cod iyo qof ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM