Ciidamo katirsan dowladda Somalia oo ku dagaallamay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo katirsan millatariga iyo Nabad suggidda ayaa xalay ku dagaallamay degmada Hodon ee gobolka Banaadir xilli NISA ay howl gal ka waday nawaaxiga Tarabuunka.

Agagaarka Tarabuunka, waxaa fariisin ku leh ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka oo ay tababareen Imaaraadka Carabta.

Majirto wax khasaaro ah oo ka dhashay isku dhacaas oo muddo kooban socday.

Wararka ku saabsan dirirta labada ciidan ayaa sheegaya inuu yimid kadib markii ciidamada NISA howlgalkan billaabeen iyadoo kuwa Milatariguna goobta ku suganyihiin.

Majirto wax faah faahin oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dagaallamay. Lama oga waxa isku dhaca ciidamada keenay.

Dagaalka ayaa istaagay kadib markii ay soo kala dhex-galeen saraakiil katirsan dowladda Federaalka Somalia.

Taliyaha hay’adda Sirdoonka oo dhawaan la magacaabay ayaa wacad ku maray inuu Muqdishu ka bilaabi doono howlgal ka dhan ah dadka hubaysan ee wata qoryaha  sharci darrada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM