DOODA Qalbi Dhagax oo ka socota Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamanka Somalia ayaa kulan ku leh xarunta gollaha Shacabka, kaasii oo ay uga doodayeen go'aankii Xukuumadda ayy Qalbi Dhagax ugu gacan gelisay Ethiopia bishii lasoo dhaafay.

Kulanka oo ku furmay Jawi degan, ayaa waxaa soo xaadiray 157 Xildhibaan, iyadoo uu Shir-Gudoominaayo Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wariyaha Garowe Online ee magaalada Muqdishu, ayaa kusoo waramaya in Xildhibaan kaste oo ka mid ah Golaha Shacabka la siiyay waqti uu kaga hadlo Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Kulankana maanta ayaa la filayaa inuu kasoo baxay go'aan kama dambaysa ah, oo Gollaha Shacabka ka qaato arinta Qalbi Dhagax, oo aad u haraysay hadal haynta bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xildhibaanno fara ku tiris ah ayaa doonaya inay Kiiska Qalbi Dhagax u bedelaan Mooshin lagu rido Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre, kuwaasi oo ay kamid yihiin Mahad Salaad, Abshir Bukhaari iyo Axmed Maclin Fiqi.

Xukuumadda Somalia ayaa Qalbi Dhagax u dhiibtay dowladda Ethiopia maadaama uu yahay xubin sare oo katirsan Jabhadda ONLF, iyadoo raacaysa heshiisyo is-dhaafsi dembiiliyaasha iyo Maxaabiista ah oo Somalia la gashay Ethiopia xilligii dowladdii Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM